4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
DAAWO: Kulankii 22-aad ee Fagaaraha oo looga Hadlay Islaam-nacaybka ka jira Maraykanka

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Fagaaraha ayaa kulankiisa 22-aad ee la qabtay waxaa lagu soo qaatay Islaam-nacaybka soo kordhaya waddanka Maraykanka.

Mid ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Madaxwaynimada dalka Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga, Senator Ted Cruz - ayaa Waraysi uu siiyay Warbaahinta CBS, wuxuu ku yiri. “Waxaan u baahan-nahay in si gaar ah booliisku ay isha ugu hayaan dadka muslimiinta ah iyo xaafadahooda.”

La-taliyaha xagga amniga ee Sen. Ted Cruz oo lagu magacaabo, Clare Lopez ayaa iyadana sheegtay inay jiraan xaafado ka tirsan Minneapolis oo aysan booliisku tegi karin, Waxayna arrintani dhalisay guux ku saabsan saameynta ay hadalladan Islaam-nacaybka ah ku yeelan karaan vulshada Muslimiinta ah ee Mareykanka ku nool.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen, wakiillo ka tirsan baarlamaanka Minnesota, booliiska Minneaplis iyo hay’adda CAIR, culummo, Aqoon-yahanno iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

DAAWO: Kulankii 22 ee Fagaaraha ee looga hadlay Islaam-Nacaybka Mareykanka;

Xildhibaan, Karen Clark oo laga soo doorto 62A iyo Xildhibaan, Phyllis Khan oo laga soo doorto 60B, ayaa ka hadlay arrintaan kuna Nuux-nuuxsaday Muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xaquuqda aasaasiga ah ee qof kasta oo Mareykanka ku nool.

Sidoo kale, Gary Nelson oo ahaa sarkaal ka tirsan booliiska xaafadaha ku yaalla Koonfurta MPLS oo halkaas ka akhriyay fariin ka timid taliyaha booliiska ee Minneapolis, Minnesota Chief Janee Harteau ka jeediyay, taasoo lagu yiri. “In booliska Maraykanka ay ilaalinayaan Sharciga iyo Xaquuqda Mawaaddiniinta oo dhan. Ma jiraan Xaafado aysan Booliisku Tegi Karin oo ku yaalla Minneapolis, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo guud ahaan muslimiinta kale, Waxaana la leennahay xiriir fiican.”

Ugu dambeyntii, Waxaa kaloo ka hadlay kulankan, Imaam Xasan Jaamici oo Imaam ka ah Masaajidka Dacwa ee magaalada St. Paul, Agaasimaha Hay’adda Xaquuqda Muslimiinta u dooda qaybteeda Minnesota Jeylaani Hussein iyo sidoo kale Karen Schraufnagel oo madax ka ah ururka kasoo horjeeda Islaam nacaybka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA