4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Jaamacadda Banaadir & International University of AFRICA oo kala Saxiixday Heshiis (SAWIRRO)

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Jaamacadda Banaadir ee dalka Somalia iyo International University of Africa oo Xarunteedu tahay Dalka Suudaan, ayaa kala Saxiixday Heshiis is-kaashi oo dhinaca waxbarashada ah, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sida uu qorayo heshiiska ardayda haysata shahaadada Bachelor-ka ee kuliyada Qaanuunka iyo Shareecada ee Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadaha dalka ka jira, ayaa hadda kaddib heli doona illaa sideed taqasus oo waxbarashada heerka labaad (Master) iyo Waxbarashada Heerka Saddexaad ee PhD-ga isugu jira, iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda International University of Africa.

Heshiiskaan, ayaa waxaa si rasmi ah qalinka ugu wada-duugay Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Jaamacadood oo kala ahaa; Dr. Ba’aziiz Ali Bin Ali El-faky oo ah hormuudka kul-liyada Shareecada iyo Qaanuunka ee International University of Africa iyo guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maamulka ee Jaamacada Banaadir, ahna hormuudka kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka, Dr. C/raxmaan Xasan Cumar. Waxaana hadallo masuuliyiintan ay kulanka ka jeediyeen ay kaga hadleen faa’iidada ay Taqasusyadaan Cusub leeyihiin iyo Dadaallada badan ee lagu bixiyay sidii dalka looga hirgelin lahaa.

Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somalia Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo hadallo ka jeediyey munaasabadaas ayaa sheegay in taqasusyadan cusub Ardayda Soomaaliyeed ay u aadi jireen safaro dibeda ah, qarash iyo waqti badana uu kaga bixi jiray, balse ay ku faraxsan yihiin hadda iyo wixii ka dambeeya inay ka heli karaan dalkooda.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay Heshiiskaan iskaashi ee ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir & International University of Africa oo ah mid muhiim u ah ardayda dhameystay kuliyada qaanuunka iyo Shareecada ee jaamacada Banaadir iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira, waxayna ka heli karaan illaa sideed taqasus oo aan dalka horey uga jirin, waxaana u mahad-celinaynaa mas'uuliyiinta labada Jaamacadood ee arrintaan ka Shaqeeyey” ayuu yiri Prof. Dufle oo wafdiga Jaamacadda International University of Africa gaarsiiyay salaan uu uga siday guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dr. Omar Ahmed Saed oo ah Hormuudka Qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacadda Inter-national University of Africa oo isagana Munaasabadan hadallo ka jeediyey ayaa ka mahad celiyey sida isaga wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Somalia wuxuuna xusay inuu soo dhoweynayo heshiiska labada Jaamacadood kala saxiixdeen.

Heshiiskan ujeedadiisu maahan dano dhaqaale iyo dano kale midna, waxaan rabnaa inaan si walaalnimo iyo lab furnaan ah u taageerno Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Aqoon-yannada doonaya iney sare u qaadaan culuunta la xiriirta qaanuunka iyo shareecada” ayuu yiri Dr. Omar Ahmed Saed.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isagana munaasabada khudbad ka jeediyey ayaa xusay in dadaal badan kaddib ay jaamacadu ku guuleysatay inay soo kordhiso qaybta taqasuska ee kuliyada qaanuunka & shareecada iyadoo la kaashaneysa International University of Africa ee dalka Sudan.

“Wax walba oo la qabanayo... waxay u baahan yihiin Sharci iyo Nidaam in lagu sameeyo... heerka ay marayaan garsoorka iyo cadaalada waddankeena waan la soconaa, taqasusyadan Cusub ee lagu soo kordhiyey kulliyada Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacada Banaadir waxaan rajeynaynaa iney horseedaan iney soo baxaan kaadiriin soo celiya garsoorkii saxda ahaa ee Somalia ka jiray” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey maamulka Jaamacadda International University of Africa, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed fursaddaan ka faa'iideystaan.

Intii ay munaasabadana socotay, ayaa Waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey, Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha waxbarashada sare ee labadan Jaamacadood, Dr. Maxamed Xuseen Liibaan oo ah Madaxa Cilmi-baarista ee Dallada Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed iyo xubno kale oo ka waramay nuxurka heshiiska labada Jaamacadood iyo baahida loo qabo in laga faaiideysto.

Ugu dambeyn, Maamulka Jaamacadda Banaadir - ayaa xafladda ku guddoonsiiyay wafdiga ka socday - International University of Africa ee Waddanka Suudaan Hadiyado ka koobnaa agabyada Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed - Taasoo ay si weyn ugu farxeen, waxayna Munaasabadaas kusoo dhamaatay jawi farxad leh. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya