4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Guddida Anshaxa ee Xisbiga UCID oo sheegtay in Guddoomiye ku Xigeenkii ay ka Saareen Xisbiga


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Guddiga Anshax-marinta ee Xisbiga UCID, ayaa sheegay in Xubinnimaddii Xisbiga ka saareen Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Xisbiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ay sheegeen inuu hore u qabay digniin.

Hase yeeshee, qoraalkaasi la sheegay in xubinnimadii xisbiga laga saaray, Waxaa markiiba ka jawaabay Guddoomiye ku xigeenkii 3aad Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey), Waxaanu hoosta ka xarriiqay inaanay waxba ka jirin xil gudoomiye ka qaadi karo iyo guddi Anshax-marin, waxaanu xusay in kuwo qoraaladda soo qoraya la anshax marin doonno.

Sidoo kale, Cali Gurey ayaa sheegay in xisbiga ucid la doonayo in xisbi kale loo sadqeeyo, Taasina aanay dhici Karin, isagoo Arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waxaan marka hore ka salaamayaa dhamaan bahwaynta xisbiga UCID Guddo iyo Dibadba. Mar labaadka inta aan ogayn xaqiiqada khilaafka xisbiga UCID waxan u sheegayaa in xisbiga UCID lagu soo duulay oo la doonayo in la burburiyo oo loo sadqeeyo Xisbi kale. Qodobka Tiirka u ah qorshaha burburinta UCID waa in la tirtiro heshiiskii badbaadinta UCID oo ah arinka salka u ah soo bixitaankii xisbiga xiligii tartanka doorashada Dawladaha Hoose iyo dhammaanba go’aanadii ka soo baxay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe xisbiga ee magaalada Hargeysa ku qabsoomay bishii Ocktobar 2012-kii, iyadoo haba-yaraato eh wax texgelin ah la siinayn Xeerka xisbiga. dhamaan talaabooyinka uu qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Inj. Faysal Cali Xuseen intii khilaafkani soo if baxay ayaa Dhamaantood ka horimanayaan Xeerka Xisbiga, Go’aamadii Golaha Dhexe iyo shuruucda dalka sida Xeer Lam14 iyo Xeer Lam 21.

Sidaa daraadeed waxan halkan ku cadaynayaa:

1. In dhammaan Qoraallada dabay-luhu sitaan ee ka Hor-imanaya Xeerka Xisbigu ay yihiin waxba kama jiraan.

2. In aanu jirin xil uu ii magacaabay igana qaadi karo Gudoomiyuhu oo aan u hayay ama u hayo Xisbiga UCID.

3. In xilkii uu ii igmaday ama ii doortay Golaha Dhexe ee Gudoomiye Xigeenka 3aad aan weli u hayo cid kale oo sharci ahaan loo magacaabi karo ama sheegan kartaan ay ka Hor-imanayso Xeerka xisbiga talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono goorteeda.

4. Inaanay jirin haba yaraato xibin UCID ah oo wayday xibinimadeedii dhamaan qoraalada ay faafinayaan shakhsiyaadka ku Andacoonaya inay yihiin Guddi Anshax marineed, Balse iyagu noqon doona kuwa la anshax-marin doonaa ay yihiin waxba kama jiraan.

5. In dhamaan Bahwaynta UCID oo ay hormood ka yihiin Kaadariinta xisbigu ay u taagan yihiin heegan buuxana ugu jiraan inay Fashiliyaan qorshaha iyo Dabinnada loo soo qoolay xisbigood ee la doonayo in loo sadqeeyo xisbi kale Waana difaac ee Weerar ma aha xaqna way u leeyihiin inay is difaacaan waanay is difaaci karaan qiimo kasta ha ku tagto eh si ay Xisbigooda u badbaadiyaan

Dhanka kale, waxan leeyahay bahwaynta leeyahay dadwaynaha iyo bahwaynta UCID ha ku wareerina qoraalada beenta ah ee loogu talogalay qiiq isku qarinta ee shakhsiyaadka faro ku tiriska ah loo adeegsanayo burburinta UCID xil kasta uu hayo iyo meel kasta uu joogo. Kuwaas oo fariinta aan halkan uga dirayaa tahay:

Ugu dmabeyn, Xisbiga UCID ayaa laba garab u kala qaybsan, Waxaanay kala Taageersan yihiin Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Jamaal Cali Xuseen, iyadoo illaa hada aanay jirin waan waan iyo cid dhex gashay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                               
Hargeysa, Somaliland