4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Somalia oo ka Furay Muqdisho Shir looga tashanayo Doorashooyinka

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka furay Madasha wada-tashiga doorashooyinka Somalia oo ay ka qayb-galayaan Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin; Dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga doodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee amniga Qaranka iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya.

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed. Dalkeennuna wuxuu ku tallaabsaday horumar ballaaran, Waxaan taas ku gaarnay isku-tanaasul iyo Dul-qaad aannu muujinnay. Waxaanan rajeynayaa inaan meesha kasii Wadano dadaalada aan horay ugu sii Dhaqaajinayno Dalka si aan u helno Soomaaliya Cusub oo ku dhisan - Nabad, horumar iyo barwaaqo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo halkaasi ka hadlay isagana ayaa sheegay in barnaamijyada Siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay Noqdaan kuwo Daah-furan, loo Wada-dhan-yahay, isla markaana sharciyad iyo kalsoonida shacabka ku dhisan.

RW Somalia ayaa intaa ku daray, in dhammaan hawlaha la qabanayo ay lagama maarmaan tahay in baarlamaanka federaalka uu ansixiyo. Wuxuuna xusay in la qorsheynayo in shirka dib u eegista dastuurka dalka uu ka dhaco magaalada Garoowe bisha May ee Sannadkan.

Dhanka kale, Waxaa isna kulanka ka furmay Muqdisho sharaxaad ku saabsan Barnaamijka siyaasadda amniga Qaranka ka jeediyay RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Waxaa hadallo ka jeediyay kulankaan, isla markaana muujiyay taageero ku aaddan geeddi-socodka hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka sida’ Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Koonfuur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo iyo Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya