4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Shir Maanta lgu wado inuu Muqdisho uga furmo Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka, ayaa lagu wadaa inuu maanta shir uga furmo Muqdisho, kaas oo looga hadlayo qaabka Doorashooyinka, kaddib markii la isla ogolaaday in habka 4.5-ka lagu saleeyo doorashada iyo xulista xildhibaannada soo soda.

Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa waxay madaxdu ay kawada hadli doonaan qaab ahaan sida ay ku dhacayso Doorashooyinka soo socota, iyadoo kulankan la sheegay in saxaafaddu ay dibad-joog ka noqon doonto.

Madaxweynaha Somalia, RW-ha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xalay si gaar-gaar ah kulamo ula qaatay Madaxweynayaasha Maamul-goboleed Dalka, iyadoo kulamadaas ay yimaadeen xilli ay jiraan warar sheegaya inay jiraan kala aragti-duwanaan xaga doorashada ah.

Shirka Maanta u furmaya Madaxda DF Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa qodobada looga doodi doono waxaa ka mid ah; qaab loo xulayo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka soo socda iyo sidii Maamul-goboleeyadu ay Kaalin ugu yeelan lahaayeen xulista xildhibaannada.

Dhanka kale, Illaa hadda ma jiro Jad-wal lagu mideysan yahay oo loo dajiyay sida loo soo xulayo xildhibaannada iyo qaabka ay ku dhacayso doorashada sannadkan daba-yaaqadiisa ka dhici doonta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shirka maanta furmaya ayaa lagu wadaa inay war-murtiyeed ka soo saaraan Mas'uuliyiinta shiraya, iyadoo go’aan looga gaari doono qaabka ay ku dhacayso Sanadkan doorashada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya