4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2016
Save the Children: Malaayiin carruur ah oo macluul ay soo food saartay Geeska Afrika

 

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL)-Sida ay sheegtay hayada carruurta ee Save the Children, carruur malaayiin ah oo ku dhaqan gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa soo food saartay ama ay wajahayaan macaluul ba'an. Dalalka ay macaluushu haatan kajirto ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya iyo weliba Itoobiya.

 

Ugu yaraan 6 milyan oo caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha dalka Itoobiya ku wajahayaan macaluul daran iyo gaajo kadib markii ay wadankaasi ku dhufatay abaartii ugu xumeyd ee soo marta mudo 50 sanadood ah.

 

Hay'adda aan dowliga ahayn ee badbaadada carruurta ee loo yaqaanno  Save The Children  ayaa war bixin qeylo dhaan ah oo ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in ay sii kordheyso tirada caruurta Itoobiya ee aan heysanin biyo iyo raashin ku filan.

 

Abaarta daran ayey hay'addu sheegtay in ay si weyn u saameysay dalkaasi ku yaalla bariga Afrika, waxaana carruurtu ay noqdeen kuwa ay saameynta ugu badan ku yeelatay abaartu.

 

Ilaa 30 milyan oo ruux oo ku sugan deegaannada ay abaartu  ku dhufatay ayaa waxay kala bar dadkaasi ka mid ah u baahan yihiin gargaar bani'aadanimo oo deg deg ah, ka hor inta aysan macluusha u geeriyoonin.

 

Gobolka ayaan helin wax uu uga gaashaanto saameynta abaarta maadaama tan iyo sanadkii 2014-kii ilaa 3 jeer lagu guul dareystay abuurashada dalagyada beeraha.

 

Dad fara badan oo xoola dhaqato reer guuraa ah ayaa tan iyo bishii todobaad ee sanadkii lasoo dhaafay u guurguuraya meelo kala duwan oo ay ka raadinayaan dhul daaqsin wanaagsan iyo biyo nadiif ah.

 

Qaar ka mid ah dadkaasi oo ay xoolihii uga dhammaadeen abaarta ayaa  doon doonaya shaqooyin kale oo ay qabtaan  si ay noloshooda ugu maareeyaan.

 

Dalka Soomaaliya gaajo iyo oon iyo weliba macaluul ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay dad gaaraya tobaneeyo ay u geeriyoodeen kadib markii ay xoolihii ay dhaqan jireen ku dhinteen abaaraha haatan jira ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan ka taagan.

 

Gobolada abaarta dadku ugu dhinteen waxaa ka mid ah Shabeelooyinka, Jubada Dhexe iyo Gedo iyo weliba gobolka Baay halkaas oo la sheegayo nafaqo darro iyo cuduro nafaqo darro lala xiriirshay in carruur badan ay ugu dhinteen.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.