4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Diyaaradaha Dagaalka Dalka Ruushka oo Maanta Duqeymo Cirka ah ka Billaabay Gudaha Suuriya


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ayaa Duqeymo ka dhan ah mucaaradka ka horjeeda Madaxweynaha dalka Siiriya maanta ka billaabay gudaha Dalkaas, kaddib markii Baarlamaanka Waddanka Ruushka uu Ansixiyay in Ciidamadooda ay Hawlgalo ka sameyn karaan dhulka ka baxsan Ruushka.

Waxay Duqeyntan imaanaysaa iyadoo Dowladda Mareykanka ay ka digtay in uu Ruushku faragelin ku sameeyo Siiriya; xilli Dowladda Ruushka ay horay u sheegtay inay Fara-gelin ku sameyn doonto Colaadaha Suuriya ka socda.

Duqeynta ayaa la sheegaya inay ka dhacday magaalada galbeedka dalka Suuriya ee Homs, balse lama shaacin khasaaraha ka dhashay. Iyadoo Maraykanka iyo dalalka xulufada la ah ay ku adkeysanaya in Madaxweyne Basar Al-Assad uu xilka ka dago, taasoo ay kasoo hor-jeesteen Ruushka iyo waddamo kale oo ay isku dhow yihiin Al-Assad.

Madaxweynaha dalka Suuriya ayaa dhawaan si rasmi ah uga codsaday Ruushka inuu siiyo taageero millateri; iyadoo dalka Suuriya uu ka socdo dagaal sokeeye Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, in ka badan 250-kun oo qof ayaa ku geeriyooday, halka Hal malyan oo kalana ay ku dhaawacmeen colaadaha ka taagan dalka Suuriya; waxaana la sheegay in 11 Malyan ay dalkaas ka carareen.

Ugu dambeyn, duqeyntan Ruushku billaabay ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli la isku mari waayay in siyaasad mideysan laga yeesho xaaladda Siiriya ka jirta si looga hortago halista ka imaan karta Kooxda Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya