4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Dab ka kacay Dhismayaal Ganacsi oo ku Dhow Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Waxaa gellinkii dambe ee maanta uu dab Qabaday Goobo Ganacsi oo ku yaalla Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dabka Qabsaday goobahan Ganacsi ayaa la sheegay inuu ka dhashay mid ka mid ah baar ku yaalla halkaas oo isticmaalayay ogsijiinta wax lagu karsado; iyadoo dabku uu si dhaqso ah ugu fiday goobihii ganacsi ee ku dhawaa.

Sidoo kale, dabkan ayaa wuxuu geystay khasaare Hantiyeed, balse ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Inkastoo dabkan uu baab’iyay goobo ganacsi oo aad u fara badan.

Xarumahan ganacsi ayaa waxay ka koobnaayeen goobo lagu iibinayay ganacsi kala duwan, iyadoo qaar ka mida ah goobahan ganacsi laga badbaadiyay qaar ka mid ah hantidii taallay.

Baabuurta dabka damiya ayaa goobta tagay, iyagoo ku guuleystay ugu dambeyn inay baq-tiiyaan dambka. Iyadoo ganacsatadii goobahan lahaa qaarkood ay sheegeen in Hanti Fara badan ay kaga gubteen dabka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya