4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Fannaaniintii Xirnaa oo lasii daayey iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Xariggooda


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa dib xoriyadoodii u siiyey afartii fanaan ee kooxda Xidigaha geeska saddex cisho xabsiga ku jiray.

Maxkamadda Hargeysa qoraal ay soo saartay ayey ku cadaysay in Boolisku maxkamadda horteedda keeni kari waayeen sababo sharci oo macquul ah oo xabsiga ugu hayaan afarta fanaan.

Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu illaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kale oo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamaddu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaddho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.

Sidoo kale, guddoomiyaha xiddigaha geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa isna u mahad celiyey dadkii ka qaybgallay soo deynta afartaasi fanaan, isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay in la siidaayey fanaaniintaasi.

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in aanay ogolayn in dadka saameynta leh ama caanka ahi tagaan Somaaliya, isla markaana aanay ogolayn in dal aan Somaliland u aqoonsanayn dal madax banaan aanay tagi Karin fanaaniintu.

“Xukuumadda,Ciidanka Booliska iyo maxkamaddu dawlad baa la isku yidhaahda, waana dawlad nidaam wanaagsan leh oo dalal badan kahoraysa, waana la siidaayey fanaanintaasi, waxaase idin sheegaya arrintan oo laga dhigay arrin weyn oo camal  laga dhigta in aanan ogolayn in dal iyo dad ku sheegaya oo aanku aqoonsan inaad madax banaan tahay tagtid wadankoodda, wada hadalkii turkiga ka socday waxa uu madaxweynaha Soomaaliya aad u rabay is dhex galka dadka iyo fanka, anaga caqabad bay nagu tahay in dal iyo dad na sheegaya inaanu isku socodno mana ogolaan doonin, fanaaniintan waa inamo yaryar oo u baahan in wax loo sheego,m waana inamadayadii .”ayuu yidhi Cukuse oo kahadlayey xadhiga iyo soodeynta fanaaniintaasi.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xusay inuu dib u eegayo heshiishkii ay kula jireen VOA-da, iyadoo Gabi ahaanba FM-tii Idaacaddaas la Xidhay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland