4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in Argagaxisadu ay Dhibaato ku Hayaan Bulshada Caalamka


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Qayb-galay shir lagu qabtay New York oo looga Hadlayay Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka Dagaallama Caalamka, Sida Kooxda ISIS ama Daacish ayaa Sheegay in Xag-jiriintu ay bedeleen xeeladahoodii ayna billaabeen inay Cabsi-geliyaan Shacabka ku nool meelaha ay ka taliyaan.

Geelle ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay inay qayb yihiin sidii ay dhallinyaradu ugu biiri lahaayeen kooxaha xagjiriinta ah, isagoo xusay in marka ruux lagu dhibaateeyo Diinta uu haysto ay khasab ku noqonayso inuu Xagjirtiin ku biiro oo uu miciin bido.

“Kooxaha Miditiinta ahi Waxay billaabeen inay Xeelado cusub Adeegsadaan; taas oo ay Dadka ku Dhibaateynayaan. Waxaan idiin sheegayaa in xisbiyada ka jira Dalalka Yurub qaarkood inay lug leeyihiin dhallinyarada xagjiriin ku biiraya,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray. “Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan idiin sheegayaa in Diinta Islaamku ayasn ahayn argagaxiso. Marka Qof islaam ah la qabto ma ahan in lagu sifeeyo argagaxiso. Sidaa daraadeed waa inaad dadka Islaamka ah ka deysaan cadaadiska.”

Jabuuti ayaa waxaa kaga sugan Somalia Hal Guuto oo Ciidammo ah kuwaasoo Qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], iyagoo ka howlgala Gobollada Dhexe Gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo Marti-geliyay shirkan ayaa isna sheegay in Mareykanka uusan cadow ku ahayn Diinta Islaamka, balse loo baahan yahay in dadka magaca Islaamka dhibaateynaya wax laga qabto.

Dhanka kale, Obama ayaa Xusay in Kooxaha Argagaxisada ah ay Guul-darro u Dambeyn doonto, isagoo tusaale u soo qaatay Kooxda Daacish oo ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

“Cid walba oo dadka gumaadda guul-darro ayaa u dambeyn doonta, sida kooxda Daacish oo kale. Haddaba, Mareykanku wuxuu mar walba u taagan yahay inuu ka hortago kooxaha Argagaxisada ah,” ayuu yiri Barack Obama.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa isna sheegay in hadda ay Khatar ku yihiin Caalamka oo dhan kooxaha Islaamiyiinta ah; sida Al-shabaab, Daacish iyo Boko Haram.

Ban Ki-Moon ayaa si gaar ah ugu eedeeyay kooxda Boko Haram inay dhibaato u geystaan haweenka dhallinta yar, ayna carruurta ku qasbaan inay u noqdaan Askar ama is-qarxiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya