4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
KENYATTA: Ciidankeennu way sii joogi doonaan Soomaaliya illaa inta Gobolku Xasillooni helayo


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamadiisu ay Soomaaliya sii joogi doonaan, si ay u Taageeraan Dowladda Federaalka iyo Shacabka Somalia.

Kenyatta ayaa intaas ku daray in ciidamada Kenya ay ka barbar dagaallamayaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, illaa Somalia oo dhan nabad laga dhigayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Kenya ayaa khudbaddiisii Qaramada Midoobay Wuxuu ku sheegay in weli ay jiraan khatarro dalkiisa kasoo wajahaya Al-shabaab sidoo kalena uu dalkiisu ku tallaabsanayo horumar dhanka dhaqaalaha ah.

“Kenya waxay ku bixisay Balaayiin Shillinka Kenya ah sidii nabadda Bariga Afrika iyo tan Kenya loo adkeyn lahaa, si looga hortago weerarada Kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo Dalalka Caalamka ka dalbaday inay gacan ka geystaan Dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray Argagaxisada.

Uhuru Kenyatta ayaa intaas ku daray. “waa inaan si wadajir ah wax uga qabano xajireynta dhallinyada iyo maal-gelinta dibadaha uga imaanaya, sidoo kalena la saaro xoogga sidii qoysaskooda wax looga qaban lahaa maadaama ay yihiin inta badan meelaha dhallinyarada laga xajireeyo.”

Madaxweynaha dalka Kenya Wuxuu sidoo kale walaac ka Muujiyay Colaadda Waddanka Koonfurta Suudaan ka socota, isagoo Xusay in Colaaddaas ay khatar ku tahay dalalka kale ee dariska la ha dalkaas ee ay xasilloonidu ka jirto.

“Qaramada Midoobay iyo Beesha Calaamka Waa in ay Gacan ka geystaan Sidii loo Meel-marin lahaa heshiiskii ay kala Saxiixdeen dhinacyada isku haya dalka Koonfurta Suudaan iyo sidii dalkaas nabad loogu soo dabaali lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Kenyatta.

Ugu dambeyn, Uhuru Kenyatta Wuxuu ka Hadlay is-bedelka Cimilida Adduunka, Isagoo ku baaqay in wax laga qabo isbedelka cimilada, sidoo kalena si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka waddamada dunida saddexaad.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya waxaa Somalia kaga sugan Kumannaan Askari oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka howlgala Koonfurta Soomaaliya, sida Jubbooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya