4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Boosaaso iyo ku Xigeenkiisa oo Maanta lagu Doortay Boosaaso


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Xildhibaanada Golaha deegaanka Boosaaso ayaa maanta si aqlabiyad leh ugu doortay Yaasiin Mire Maxamuud in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee degmada Bosaaso ,mana jirin musharxiin kale oo booskan kula tartamaysay.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika ,iyadoo goob-joog ay ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo xubno matalayay guddiga khilaafaadka iyo ansixinta golaha deegaanka degmada Bosaaso.

28-Mudane oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ayaa Injineer Yaasiin Mire u doortay in uu maamulka degmada Hogaamiyo shanta sano ee soo socoto ,waxaana ku xigeenka duqa degmada loo doortay Saciid Garown oo isna helay 28-cod.

“Waxaan ugu hambal-yaynayaa duqa cusub doorashada uu ku guulaystay ,waxaana hor-yaala shaqooyin badan oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Karaash oo la hadlay warbaahinta.

Duqa cusub ee degmada Bosaaso ayaa sheegay in uu diiradda saari doono arimo ay ka mid yihiin amniga ,fayadhowrka iyo kor u qaadidda bilicda magaalada Bosaaso ,waxaana uu u mahad-celiyay xildhibaanadii codka siiyay.

Ugu danbayn,waxaa shalay doorashada golaha deegaanka degmada Bosaaso isaga haray Cumar Sidiiq oo kamid ahaa musharaxiintii loo saadaalinayay xilkan ,waxaana maalmihii la soo dhaafay la dareemayay isqab-qabsi ka dhashay sida loo soo xulay xildhibaanada Golaha deegaanka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]