4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2015
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku laabtay Beledweyne kana hadlay Safarkiisa (SAWIRRO)


Arbaco, September 30, 2015 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ka mid ah duubab dhaqameedyada ugu caansan Soomaalida, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Soo dhaweynta Ugaas waxaa ka qeyb-gallay odayaal dhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyarro iyo qeybaha bulshada magaalada Beledweyne oo saacado ka hor tagay garoonka si ay uga qeyb-qaataan soo dhaweynta Ugaas C/raxmaan oo muddo dheer xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Ugaas C/raxmaan ayaa yiri'' waxaan ku faraxsanahay in aad dib ugu soo laabto Beledweyne anniga oo nabad ah, waxaan u maqnaa xaalad caafimaad, aniga oo ku hadllaya magaalada duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, waxaan rabaa in aan baaq guud u dirro beellaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku dagaallamayaa in ay ku badallaan nabad iyo wadda-hadal ayuu yiri'' Ugaas C/raxmaan.

Ugu dambeyn, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa inta badan ku dadaalada nabadeynta Beelaha, isagoo marar badan qaban-qaabiyay shirar iyo kulamo looga wadda hadallayo siddii loo joojin lahaa colaada beellaha Soomaalida meel kasta oo ay ka jiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.