4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Kenya oo sheegtay inay Xeryaha Dhadhaab ku xirxirtay Afar ruux oo Al-shabaab ka tirsan


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Mas’uuliyiinta Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay in hawlgallo ay ciidanka Amniga Kenya ka sameeyeen Xeryaha Qoxootiga Dhabaab ee Kenya lagu qabtay afar ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Saalax oo Xafiiskiisa kula hadlayay Warfidiyeenka ayaa sheegay in howlgallo laga sameeyay xeryaha ay ku jiraan Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab lagu qabqabtay afartan ruux iyo hub kala duwan.

“Ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen afartaan qof oo Al-shabaab looga Shakiga Qabo iyo Hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Saddex Qoryaha AK-47-ka ah, 93 sanduuq oo rasaas ah, afar xirmo oo qalabka gargaarka deg-degga ah, lix mobile iyo in ka badan 200 oo qalabka mobayllada ah, kuwaasoo la rumeysan yahay in laga sameynayay waxyaabaha Qarxa,” ayuu yiri Maxamed Saalax.

Sidoo kale, Saalax ayaa xusay in Afarta Qof ee la qabtay ay da’doodu u dhexeyso 19-sano illaa 24-sano. Wuxuuna sheegay in warbixinno ay booliiska heleen lagu soo qabtay iyagoo hurda teendho ku taalla xerada IFO dhexdeeda.

Mas’uulkan ayaa u mahadceliyay shacabkii gacanta ku siiyay ciidamada inay soo qabtaan tuhmanayaashan ka tirsan Al-shabaab. Balse wuxuu diiday inuu sheego Warbixinnada soo gaarsiiyay Ciidamada Amniga Kenya.

Dhanka kale, Saalax ayaa sheegay in Howlgalladan lagu soo Qabqabay Tuhmanayaashan ay tahay markii afaraad oo laga sameeyo deegaanka, isagoo xusay in howlgalladaas lagu soo qabqabtay hub iyo rasaas fara badan.

“Waxaan haynnaa dhamaan farsamooyinka Al-shabaab, meelaha ay gabaadka ka dhigtaan, Qorshayaashooda Colaadeed iyo weliba Awoodda ay leeyihiin,” ayuu ku daray Hadalkiisa Maxamed Saalax.

Ugu damben, Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee dadlka Kenya ayaa sheegay in Xilli dhaw ay Dhammaan Doonaan Weerarradii ay Al-shabaab soo Qaadi jirtay, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay ka geysteen Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi-bari.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya