4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Amartay in lasoo Dhamaystirto Dacwada Xariga Fanaaniinta


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Afartii Fanaan ee ka Tirsanaa Kooxda Xiddigaha geeska ee xabsiga loo tabaaxay oo maanta la hor keenay maxkamada degmadda Hargeysa ayaa  sheegtay in xadhiga fanaaniintani waafaqsanayn sharciga, isla markaana ku amartay in la soo dhamaystiro dacwadadda xadhigoodda.

“Saaka waa la keenay Maxkamadii Gobolka kadibna markii dacwada la eegay xaakimkii waxa uu yidhi xadhigoodu xalaalba maaha laba qodob dartood marka koowaad waxa uu yidhi markii hore waaran looma soo gayn   sifo sharci daro ahna looma soo qaban, marka labaadna waxa lagu soo oogay gal dacwadeed dhamaystiranba maaha, sawir ayaa la wada Photo Shop lagu sameeyey oo la lahaa Xamda Queen ayaa calankii Soomaliya huwatay waxaanu yidhi (guddoomiyaha maxkamadda) waxaasi kiis maaha waanu laalay waxaanu yidhi maxkamada gobolka uma xidhna, garsoorkana uma xidhna, cadaaladana uma xidhna waxaanay ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah, iyada oo garsoorihii sidaas yidhi ayaa hadana la celiyey iyaga oo katiinadaysan, waana arin nasiib daro ah.”ayuu Gudoomiyaha Kooxdan Fanaaniinta Xasan Laab-saalax u sheegay Warbaahinta.

Gudoomiye Dhuxul ayaa wasiirka Arrimaha gudaha ku eedeeyey xadhiga fanaaniinta, waxaanu yidhi“Wasiirka arimaha gudaha ayaa arinkan dabada ka riixaya waxaanan leeyahay wasiir caqliga iyo garashada ku siin wayday xayawaanka bahaayinta ah ee libaaxa ah inaad xoriyadiisa siiso oo aad maqsin yar oo afar mitir ah ku xidhay mudo todoba todoba sano ah iyada oo aanu dhinacna u dhaqaaqi Karin, cadaalada aad libaax u samayn wayday miyaad u samayn kartaa dadka, waa maya waana nasiib darooyinka dalka ka jirta.”

Si kataba ha ahaatee, fanaaniin badan ayaa maanta goob joog ka ahaa maxkamada, isla markaana sheegay inay ka xun yihiin xadhiga fanaaniinta iyo qaabka loo qabtay, haseyeeshee waxay xuseen inay ku kalsoon yihiin maxkamadda iyo garsoorka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland