4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
MUGABE: Waanu kasoo Horjeednaa Fikiradaha Reer Galbeedka ee ah in Raggu isku Galmoodo


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay ku Weeraray Wadamada Reer Galbeedka, isagoo sheegay in waddankiisu uusan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Wadaan Reer Galbeedka ee ah in Raggu isku Galmoodaan, isagoo yiri. “Innagu Khaniisiin ma nihin.”

Khudbaddiisa ayuu inteeda badan kaga hadlay hannaanka Xuquuqda Aadanaha ee ay Reer Galbeedku dabada ka riixayaan, taasoo uu sheegay inay galmoodka dadka isku jinsiga ah qayb ka tahay.

“Waxaan kasoo horjeednaa qorshaha cusub ee kasoo horjeeda Caadooyinka iyo Dhaqanka aan leennahay, taasoo ah in ragga qaarkood laga dhigto naago oo kale,” ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Sanadkan ee Ururka Midowga Afrika, Robert Mugabe.

Mugabe oo 91-jir ah ayaa intaas ku daray inay Waddankiisa Mamnuuc ka tahay in Raggu ay isku galmoodaan, isagoo horay u sheegay in ragga isku galmooda ay cadaabta galayaan. Isgaoo raaciyay in kuwa isku galmooda ay ka liitaan doofaarka, riyaha iyo shimbiraha.

Sannadkii hore waxaa bogagga hore ee Wargeysyada caalamka ay ciwaanno uga Dhigteen Hadal uu yiri Robert Mugabe oo ahaa; in xuquuqda dadka isku Jinsiga ah ee isku galmooda aanay qayb ka ahayn Xuquuqda Aadanaha. Wuxuuna Xusay in Carruurta Dalka Zimbabwe aan laga dhaadhicin karin wax ka duwan Guurka uu ALLE jideeyay.

Robert Mugabe wuxuu sidoo kale shirka QM ka sheegay ka sheegay in waajib ay ku tahay Waddamada Caalamka inay sharciyada ilaaliyaan xuquuqda Aadanaha, isagoo waddamada Reer Galbeedka ku dhaleeceeyay inay isi siinayaan awood midda la wada aqoonsan yahay ka badan.

“Waxaan kasoo horjeednaa siyaasadaha arrintan la xiriira. Iyo awoodaha kale ee dheeraad ah oo la doonayo in lagu dulmiyo Dalalka Madaxa-bannaan iyo Xorriyadda Shaqsiga ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Mugabe.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa mar kale yiri. “Afrika ma eeganayso Gacmaha ka baxsan kuweeda, balse waxay doonaysaa inay Horumarin Gaarsiiyaan Dalalka ay ka kooban tahay Qaaradda. Waayo Alle wuxuu na siiyay khayraad dabiici ah; waxaana muuqata in la Horu-marinayo nolosha Dadweynaha Qaaradda Afrika ku nool.”

Dhanka kale, Robert Mugabe ayaa Khudbadiisa ku Sheegay in Fara-gelinta ay ku Hayaan Dalalka Reer Galbeedka Madax-bannaanida Qaaradda Afrika ay sabab u tahay dhibaatada dadka badan ee Afrikaan ah ee ku dhimanaya badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhexeysa ee Mediterranean.

Guddoomiyaha Sannadkan ee Ururka Midowga Afrika ayaa intaas ku aray in Qoxootigu ay dhibaatooyin ku haystaan meelaha ay doonayaan inay tagaan, isagoo dalalka Galbeedka ku Dhaleeceeyay mar kale inay Fara-gelin Qaawan ku hayaan dalalka caalamka oo dhan, si ay Shacabku uga Cararaan ugana dhacaan Dagaallo iyo Xasillooni-darro, si ay Ciidammo ugu diraan, Danahoodana uga oofsadaan.

“Dhibaatada Taagan, waxaa lagu Xallin karaa iyadoo si la Xushmeeyo Madax-bannaanida Dalalka Caalamka, lana joojiyo fara-gelinta lagu hayo arrimahooda gudaha,” ayuu Mugabe hadalkiisa kusoo Gaba-gabeeyay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Zimbabwe ayaa inta badan uu shirar guud ee Caaalamka ka dhaca ka jeediyaa khudbado uu kaga soo Hor-jeedo Waddamada Reer Galbeedka ah oo uu kala dhexeeyo guluf.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya