4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Madaxweynaha oo Beesha Caalamka uga Mahad-celinayaa Taageerada ay Siiyaan Soomaaliya


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Maxamuud ayaa Ammaanay Dalalka Beesha Caalamka sida ay uga Go’an tahay inay Garab-istaagaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh aya sheegay in Somalia ay dadaal badan u gashay sidii dalka iyo shacabka loogu abuuri lahaa mustaqbal wanaagsan oo ku dhisan dimuqraadi iyo nabad si caalamka ay ula mid noqoto iyo horumar, sidaa darteedna ay Somalia u aragto taageerada Caalamka mid muhiim u ah inay ku guuleysato hadafkaas.

Shirka Gaar ah oo ay gudoominayeen Madaxweyne Xasan, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Shalay lagu Qabtay Magaalada New York, kaasoo looga hadlay Arrimaha Somalia, waxaana sidoo kale kasoo qaybtalay inta badan dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Ururrada Caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Madaxda iyo Wakiilada shirka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa RW UK, RW Turkiga, RW Itoobiya, Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Kenya, Madaxweyne ku Xigeenka Burundi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, xubno ka socday Mareykanka, Denmark, Finland, Australia, Bangiga Adduunka iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya