4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Midowga Yurub oo amaanay howlgalka Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Hiiraan


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Kaddib Booqasho Shalay uu ku Tagay Magaalada Beledweyne Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub, Jen. Patrick De Rousiers ayuu amaan u soo jeediyay doorka Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Hiaraan.

Safarka taliyaha waxaa ku wehlinayay wakiilka midowgga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, iyaga oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidammada labada dhinac.

Ujeedada socdaalka taliyaha ciidammada midowga Yurub ayaa lagu sheegay hormarinta iyo dhiir-galinta ciidammada ka howlgala gobolka, iyo siddii loo ballaarin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan, Waxaa ku sugan Ciidammo ka socda Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana ay maalmihii ugu Dambeeyayba ciidamada oo kaashanaya kuwa Millateriga Dowladda Somalia howlgalo ka wadeen qeybo ka mid ah gobolka iyaga oo la wareegay deegaanno dhowr ah iyo saldhigyo fariisimo u ahaa Al-shabaab.

Tani waxay Qeyb ka tahay Dadaalka Beesha Caalamka ay ku bixinayaan is-garab-taagga Somalia oo hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa colaadii mudada dheer soo daashatay, waxaana socdaalka taliyuhu noqonayaa mas'uulkii ugu sareeyay ee ka socda ciidammada midowga Yurub oo booqda magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya