4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Dagaal dib uga billowday Deegaanno u dhexeeya Magaalada Laascaanood iyo Degmada Burtinle


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Xiisad Colaadeed ayaa mar kale dib uga soo cus-boonaatay Deegaannada u dhexeeya Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaan; kaddib markii kooxo hubeysan oo deegaannada kasoo jeeda ay isku-haleeleen Deegaanno ku dhow Qoriley.

Dagaal la isku adeegsanayay hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay goobo dhawr ah oo deegaankaas ka mid ah, waxaana la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen lix qof oo ka mid ah dhinacyadii hardamayay.

Sidoo kale, Dagaalkan ayaa daba-socda dagaal dhawaan ka dhacay Deegaannadaas, kaasoo ay ku dhinteen 20-qof, iyadoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo xabbada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Madax-dhaqameed iyo Culummo kala duwan ayaa ku sugan Degmada Burtinle, Waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay xal ugu heli lahaayeen Xiisadan Colaadeed, dhinaca kalena Waxaa deegaanka Qoriley ku sugan Waxgarad, Culummmo iyo Madax-dhaqameed u guntadey xil iska saarida Daminta Colaaddan.

Ugu dambeyn, Xiisaddan Colaadeed ee labad beelood u dhaxaysa oo muddo 10 sano ah soo jiitamasay ayaan weli xal-dhab ah loo helin iyadoo loo aanaynayo in xiisadahan ay hurinayaan gacmo siyaasadeed oo kala duwan.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool