4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
SAWIRRO: Marwada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Dhiirri-gelin u Sameysay Ciidammo


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Marwada Guddoomiyaha Maamulka G/Hiiraan ahna Qusulka Dhinaca siyaasada safaarada Soomaaliya ee dalka Itoobiya Maryan Max'ed Cabdul, ayaa kulan dhiir-galin ah la qaadatay cutubyo ka tirsan ciidammo xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, kuwaa oo ku sii jeeda gobolka Galguduud.

Marwo Maryan oo Dhinaca kala Munaasabad Qado Shafar ah kula Qaadatay Deegaanka Jante-Kundsiho Saraakiisha iyo ciidamada qorshuhu yahay in ay ka howl-gallaan gobolka Galguduud ayaa ku amaantay guud ahaanba ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM  dadaalka xoogan oo ay ugu jiraan soo celinta nabad-galyada dalka, gaar ahaan ciidammadii ay booqatay oo ay ku dhiir-galisay in ay laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo hadda ku sii harsan sidda ay hadalka u dhigtay qeybo yar oo ka mid ah dalka.

“Waan og-nahay daruufaha adag oo ay maanta ku shaqeynayaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxaa mudan in la bogaadiyo iyadoo ay jiraan daruufahaas sidda aad ugu dhabar adeygteen difaaca dalka, Waxaanan Rajeynayaa in aad ku Guuleysan doontaan Howlgalkan la idiin ig-maday ee Gobollada Dhexe, Gaar ahaan Bariga Gobolka Galguduud oo qorshuhu yahay inaad ka howl-gashaan,” ayay tiri Maryan Maxamed.

Waxaa kaloo ay xustay in mar walba ay niyada ku heyso howlgalada ciidammada ay ka wadaan deegaannada gobollada dhexe, tallaabadan ay qaadayna qeyb ka tahay muujinta sidda ay u bar bar taagan tahay ciidammada.

''Qiimaha ugu weyn ee qofka dalkiisa iyo dadkiisa uu u huro waa nafta, siddaa daraadeed waxaad go''aansateen in aad naftiina u hibeysanaa siddii dalka nabad loogu soo celin lahaa, waana tan keentay in aan maanta halkan idinku soo booqdo,'' ayay mar kale tiri Marwo Maryan.

Taliyaha ciidamada militariga Gobolka Hiiraan Col. Towane Axmed Gurey, oo ka hadlay dhankiisa kulanka ayaa sheegay in ciidammadan oo ka yimid magaalada Muqdisho, loogu Talo-galay in ay ka howl-galaan Deegaannada Bariga Gobolka Galguduud, isaga oo intaa ku darray in ay jiri doonto wadda-shaqeyn buuxda oo dhaxmarta saraakiisha ciidammada labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

“Ciidammadan maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ay ku sugnaayeen Beledweyne, waxaa ay hadda kusii jeedaan gobolka Galguduud, iyaga oo ka howlgal militari ka sameyn doona deegaannada ay gobolkaa ka maamulaan Al-shabaab,'' ayuu yiri Col Towane Axmed.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Hoggaamiyaha Ciidamada kusii jeeda qeybo ka mid ah gobolka Galguduud, ayaa bogaadiyay Marwada Guddomiyaha ahna Qusulka Safaarada Somalia ee Itoobiya Maryan Maxamed iyo Saraakiisha Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee gobolka Hiiraan, iyaga oo sheegay in mar walba uu jiri doono xiriir ka dhaxeynaya labada dhinac, iyadoo leyska kaashanayo siddii loo soo afjari lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya