4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay kulan looga hadlayay Horumarinta Dhaqaalaha dalka (SAWIRRO)


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Fargeeti oo Nairobi kaga soo Qayb-galay kulan looga hadlayay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Farteeti ayaa markii uu ka soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho Wuxuu la hadlay Warbaahitna isagoo faahfaahin ka bixiyay shir uu lasoo qaatay xubno ka tirsan Bankiga Horumarinta Afrika.

“Magaaladda Nairobi ayaan kaga soo qaybgalay shir ay soo Qaban-qaabiyeen Wasaaradda Maaliyadda Somalia iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ujeedkiisu haa sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, sida Isgaarsiinta, Biyaha iyo Korontada. Shirkaas ahmiyad gaar ah ayuu u lahaa Somalia, iyadoo aan ka warqabno in dalku muddo ku tiirsanaa deeqo uga yimaada caalamka, taas badalkeedana waxaan codsanay si dalku u helo dhaqaale in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna kasoo Qayb-galayaasha shirku muujiyeen inay hadda muuqato kalsooni badan oo lagu qabo Dowladda Soomaaliya, lana gaaray xiligii wax lagala qaban lahaa horumarinta dalka,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulammo kale la Qaatay Wasiirrada Maaliyadda ee Maamulada Goboleedyada Dalka, ayna ka wadahadleen qorshe ballaaran oo Wasaaraddu doonayso in laga wada-xaajoodo sidii loo midayn lahaa Canshuurada Soomaaliya, loogana fa’iidaysan lahaa barnaamijka maaraynta maamulka  maaliyadda.

“Shirkan qabsoomiddiisu Wasaaradu waxay ku bixisay waqti badan, Wuxuuna xambaarsan yahay ahmiyad gaar ah; taasoo horseedi karta wada-shaqayn dhex-marta Dowladda dhexe iyo Maamuladda Goboladda Dalka; Waxaana kasoo qayb-galay Wasiirrada Maaliyadda Maamuladda Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug. Shirkan waa kii ugu horreeyey oo dhaca, wuxuuna isugu jiray is-barasho iyo gogol-xaarka shir ballaaran oo ka dhici doona Muqdisho. Waxaa kaloo aan ka wadahadalnay sidii xiriir joogta ah loo yeelan lahaa, isla markaana la isaga kaashan lahaa nidaamka cusub ee ay wado Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo ku salaysan dib u habaynta maareynta maamulka Maaliyadda, oo runtii u dub dhexaad u ah isla-xisaabtaan iyo la dagaalanka musuq-maasuqa,” ayuu yiri Wasiir Farteegti.

Ugu dambeyn, kulankan ayay Wasaaraddu uga gol-leedahay sidii ay wada-shaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen Maamullada Gobolada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS, si looga Faa’iidaysto mashaariicda Bangiga Adduunku kaga taageerayo Soomaaliya dib u Habaynta maamulka Maaliyadda dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya