4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
XASAN SHEEKH: Nabaddu Waa mid Muhiim u ah Qorshaha 2016-ka iyo wixii ka Dambeeya (SAWIRRO)


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirkii looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay New York, waxaana khudbadiisu ay ahayd sidan:

Waxaan ku faraxsanahay inaad maanta nagala soo qeyb gashaan kulankan heerka sare ee arrimaha Soomaaliya ku saabsan.

 Maanta waxaynu ka hadleynaa nabadda iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah sannadka 2016-ka iyo wixii ka dambeeya. Labadan umuuroodba waxay sameynayaan ajenda aad muhiim u ah oo weyn.

Lyndon Johnson, Madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa uu yiri, ‘Nabaddu waa safar masaafadiisu ay tahay kun mayl, waxaana khasab ah in markiiba hal talaabo la qaado si loo gaaro meesha loo socdo.’

Safarada u baahan in mar walba talaabo hor leh la qaado waxay u baahan yihiin go’aan qaadasho adag, adkeysi iyo dadaal dheeri ah. Soomaaliya si wanaagsan ayaan u fahamsanahay safarada noocaan ah. Waxaad is oran kartaa in sifooyinkan ay qeyb ka yihiin hiddo-sidaheena ummadeed. Waxay sifooyinkan ka tarjumayeen xaaladihii dalkeena ka jirey saddexdii sanno ee la soo dhaafey.

Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan ku kulaney London: Somalia iyo dalalka taageera- waxaan ka wadahadalney sidii loo fulin lahaa hadafyo waaweyn; waxaan qabney hami badan iyo dhiiranaan.

Waxaan maanta oran karaa , in dib u dhac yar iyo xanuun uu ina soo gaarey. Waxaan nahay dad uu dagaal daashadey, balse adkeysi badan leh. Weli nagama lumin damaca hamiga aanu leenahay, laakiin waxaa mar walba nagu xeeran xaaladaha dhabta ah ee nagu xeeran.

Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan soo bandhigney Hiigsiga 2016, oo ah barnaamijka hadafyada isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay talaabadaasi ahayd qorshe hami badan ku dhisan. Dunida miyaa laga heli karaa dal kale oo sida Soomaaliya dib u qoraya dastuurkiisa federaalka, misana ku hawlan dhismaha nidaam cusub oo federaal ah, doorasho la qabto, iyadoo aaney jirin kaabeyaashii dowliga ahaa ee loo baahnaa. Shuruucdeena inteeda badan oo ku qoran Af Talyaani, amaba qaarkood aysanba jirin, inagoo aan haysan xoog ama shaqaale khibrad leh oo ku filan fulinta hawlaha ina horyaalla, dhinaca kalena dagaal kula jirna koox argagixiso ah gudaha dalka. Waxaa intaas ka daran in waxyaabaha aan soo xusey oo dhan muddada lagu fulinayo aaney ahayn labaatan sanno, ama toban sanno , balse waqtiga rasmiga ah ee aan haysano uu yahay afar sanno.

Muddo 25 sanno haatan laga joogo, nabaddu waxay Soomaaliya ka ahayd badeeco qaali ah oo aan la heli Karin. Aan tusaale u soo qaadano ruux dumar ama nin ku nool Soomaaliya, oo magacyadooda ay kala yihiin Faadumo iyo Cabdi, kuwaas oo da’doodu tahay 28 ama 27 jir. Waxaa muuqata in Cabdi iyo Faaduma noloshooda oo dhan ay arkeen oo keliya 2 ilaa 3 sanno oo nabad iyo deganaansho ah, muddadaas oo aad uga fog nabad buuxda oo qofku ku naaloodo.Taasi waxaa dheer in Cabdi iyo Faadumo aysan helin fursad ay wax ku bartaan, shaqona aysan heli karin, iyagoo la daala dhacaya halganka nolosha carruurtooda, isla markaana uu mugdi badan hareeyay mustaqbalka noloshooda. Waxaa intaas dheer in Cabdi iyo Faadumo ay sidoo kale ka welwelsan yihiin wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Al Shabaab ay dib u soo laabaneyso, ama in ISIL ay waddanka ku soo socoto.

SOO ROGO: KHUDBADII MADAXWEYNE XASAN OO DHAMEYSTIRAN;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya