4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
Jaaliyadda Jareerweyne oo Dibadbax Cabasho ah ka dhigay Magaalada New York (SAWIRRO)


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Beelaha Jareer-weyne ayaa Dibadbax Cabasho ah ka Hor-dhigay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaas oo uu ka socdo shirka Guud ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Jareerweyne, Cabdi Mude oo la hadlay HOL ayaa dibadbaxooda ku sheegay inuu yahay mid ay kaga Cabanayaan Cadaalad-darro lagu hayo, Ttaasoo uu sheegay inay qayb ka tahay qaybsiga Awoodda siyaasadeed ee dalka.

“Mudaahaaraadkeenna waxaa kaga cabanayno cadaalad-darro nalagu hayo oo ay ka mid yihiin awood-qaybsiga dalka, gaar ahaan Jubbooyinka oo saamigii aan ku lahayn aanan ka helin iyo sidoo kale dhac loo geystay beero aan Jubbooyinka ku leennahay,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Jaaliyadda Jareer-weyne.

Sidoo kale, mar ay HOL waydiisay Afhayeenka inay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay doonayaan inuu ogaado cabashadooda uu maqlay iyo in kale, ayuu sheegay inaanay weli is-arag, balse ay la kulmayaan, ayna kala hadlayaan cabashadooda.

Xubnihii ka Qaybgalay dibadbaxan ayaa waxaa ka mid ah; Inj. Yaroow Shariif oo ka yimid dalka Britain, kaasoo maamula Ururka Gosha Movement oo ah urur u Dhaqdhaqaaq xuquuqda shacabka ku nool deegaannada Gosha ee Jubbooyinka.

“Waxaan uga soo ambabaxay London inaan ka qaybgalo dibadbaxa, si aniga iyo inta kale ee ka Qaybgalaysa shirka aan u muujinno cabashada aan qabno,” ayuu Inj. Yaroow HOL u sheegay isagoo ku sugan New York.

Ugu dambeyn, dibadbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreysay oo Somali ay dhigto oo ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasoo uu ka socdo Shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya