4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Ururka Suxufiyiinta G/Hiiraan oo Cambaareeyay Xariga shaqaalaha iyo Xarunta TV-ga Universal


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Kulan ay yeesheen suxufiyiinta gobolka Hiiraan, ayaa si kulul loogu cambaareeyay xariga shaqaallaha iyo xarunta Universal Tv-ga oo maalintii saddexad u xirran hay'adda nabad-sugida Qaranka.

Guddoomiyaha dallada suxufiyiinta gobolka Hiiraan, C/risaaq Max'ed C/llaahi Al-cadaalla, ayaa wax lagu xamaado ku tilmaamay xariga agaasimihii bariga Afrika ee Telleefishinka Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo wariye Cawil Daahir Salaad, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si sharuud la'aan ah u sii deyso wariyayaasha una fasaxdo howlihii xarunta TV-ga ee magaalada Muqdisho,

“Waan cambaareyneynaa xarigga oo ah mid sharci-darro ah, waana wax laga xumaado in xarun warbaahinneed iyo howl-wadeennadii ka shaqeeynayay loo xir xiro aragtida xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, taa waxaa ay muujineysaa sidda 25 sanno kaddib dowladda ugu xad-gudbeyso xoriyada hadalka''ayuu yiri Al-cadaalla.

Guud ahaan bahda warbaahinta gobolka Hiiraan ayaa wadda jir uga dalbaday dowladda Soomaliya in ay sharuud la'aan u sii deyso wariyayaasha xirran dibna loo fasaxo howlaha xarunta Universal TV ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya