4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Arday ka qalin-jabiyay jaamacada Hope faraca ay ku leedahay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Jaamacadda Hope faraceeda Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay xaflad ay ku qalin-jabinayeen 70-arday oo 20 ka mid ah ay ahaayeen gabdho, waxayna ardaydan ka baxeen kulliyadaha Public health, horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Xafladda waxaa ka qayb-galay ka ahaa agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumaddad Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan, danjire C/raxmaan Diinaari, Mas’uuliyiinta sare ee Jamacadda Hope, waaliddiin iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Hope ayaa kusoo bandhigay xafladda Qalin-jabinta ah suugaan kala duwan oo ay si aad ah u jecelaysteen kasoo qayb-galayaashii munaasabadda.

Guddoomiyaha Jaamacada Hope ee Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, Prof. Najiib Shiikh C/kariim oo munaasabada ka hadlay ayaa wuxuu ardayda ku booriyay inay horumar kusoo kordhiyaan dalka, isagoo sidoo kalena xusay in Jaamacadda Hope lagu soo kordhin doono kuliyado cusub.

Sidoo kale, Prof. Najiib ayaa xusay in saddex kuliyadood oo kala ah; kulliyada sheybaarka, umulisoonimada iyo caafimaadka carruurta lagu soo kordhin doono, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dhaw uu yahay in shahaadada sare ee PhD ay dalka kusoo kordhiyaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in wasaaraddu meel gabo-gabo ah uu u marayo xeerka waxbarashada sare, isla markaana la dhisay guddiga sare ee waxbarashada.

Wuxuuna agaasimuhu intaas ku daray in xeerka waxbarashada sare ee dalka la soo saari doono dhawaan, isla markaana loosoo bandhigi doono Jaamacadaha dalka iyo ummadda Soomaaliyeed, si loo kala ogaado midda Jaamacad u qalanta in wax laga barto iyo midda aan u qalmin.

Dhanka kale danjire C/raxmaan Diinaari oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay tayada waxbarasho ee ay ku tallaabsatay Jaamacadda Hope, isagoo ku boorriyay maamulka jaamacadda inay howsha halka ay joogto ka wadaan.

Ardaydii maanta ka qalin-jabiyay Jaamacada Hope ayaa waxaa xaflada lagu guddoonsiiyay shahaadooyin. Iyadoo Jaamacadda Hope ay ahayd jaamacaddii ugu horreysay oo Somalia keenta waxbarashada sare ee Master Degree-ga.

Ugu dambeyn, ardaydan maanta ka qalin-jabisay Jaamacadda Hope faraceeda Muqdisho ayaa noqonaya dufcaddii sideedaad ee shahaadada 1-aad ee Bachelor Degree-ga ka qaata Jaamacadda Hope.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya