4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Danjire Maman S. Sidikou oo la kulmay Madaxda Soomaalida ku nool gobolka Minnesota (Sawiro)


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, ahna madaxa howlgalka AMISOM  ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou oo maalmahaan ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Wakiilka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ula kulmay siyaabo kala duwan, isagoo kala hadlay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska ka socda dalkooda Soomaaliya.

Danjire Sidikou ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay in dalka ay xilligaan ka billaabatay sidii uu uga soo kabsan lahaa colaadihii sokeeye ee muddada fog ka socday, isla markaana ay rajadu wanaagsan tahay.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu ku booriyay Soomaalida inay kaalin wax ku ool ah ka gaystaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay caqabad weyn ku yihiin xasilloonida iyo horumarka Somalia.

Wuxuu danjiruhu hoosta ka xariiqay in sida keliya ee Al-shabaab looga guuleysan karo ay tahay iyadoo la is-kaashado, wadajirna loogu istaago sidii loo marin lahaa cagta.

Gobolka Minnesota waa gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka. Waxaana Soomaalidu ay si aad ah Minnesota u dagayeen 25-ka sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dabmeyn, danjire Sidikou ayaa kulamadan kusoo gunaanaday booqasho uu afar casho qaadatay oo uu kusoo joogay gobolka Minnesota, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya