4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
MAAREEYE: Waxaan Cadeynayaa in Suxufiyiinta xiran ay heli doonaan Xoriyadooda Dasuuriga ah


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Wasiirka warfaafinta dowladda xukuumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xariga wariyeyaasha telefishinka Universal oo habeen ka hor lagu xiray Muqdisho, isagoo ballanqaaday inay heli doonaan xorriyadooda dastuuriga ah.

Maareeye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka sheegay in xarigga wariyeyaashan uu dhacay isagoo waddanka ka maqan, laakiin uu kala hadli doono xarigooda hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Ciidanka dowlada Somalia ayaa xiray agaasimaha telefishinka Universal ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo ahaa barnaamij soo saare, kaddib dood loo qabtay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo inta badan looga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalka.

“Waanu xaqiijinayaa xorriyad-qowlka iyo saxaafadda sida uu qabo qodobdka 18-naad ee dastuurka dalka, waanan xaqiijinayaan in saxaafadda aan dambi lagu gelin,” ayuu Wasiir Maareeye yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Wasaarad ahaan waxaa naga go’an in aan ilaalinno xorriyadda saxaafadda iyo tan wariyaha Soomaaliyeed, waxaanan ballan-qaadaynaa inay wariyeyaasha xiran xorriyadooda heli doonaan.”

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay safarkii uu ku tagay dalka Kenya isagoo xusay in madaxdii iyo hay’adihii uu la kulmay ay isku af-garteen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Somalia.

“Kulamadu waxay la xiriireen xoojinta xiriirka kala dhexeeya Somalia iyo hay’adaha aan la kulannay, waxaana isku af-garannay horumarinta warbaahinta dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye.

Wariyeyaasha u xiran dowladda Somalia ayaan illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray ee dhabta ah, iyadoo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ka hadlay xarigan, waxayna dowladda ugu baaqeen inay xorriyaddooda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan wariyeyaashan xiran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya