4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
SAWIRRO: Meydadka Xujeydii Iiraan ee Xajka ku Geeriyooday oo Qaarkood la geeyay Tehran


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan ayaa waxaa ka dagtay diyaarad sida meydadka boqol ka mid ahaa xujeydii reer Iiraan ee ku geeriyooday is-buurashadii ka dhacday waddada Mina ee duleedka Makka.

Maydadkan ayaa la geeyay Iiraan sagaal casho kaddib, xili weli ay Iiraan ku eedeynayso xukuumadda Sucuudiga inay mas’uul ka tahay dhimashada dadkii xujeyda ahaa ee ku geeriyooday Xajkii sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Iiraan, Hassan Rouhani iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Tehran ayaa ku sugnaa garoonka markii meydadkaan la geynayay. Iyadoo madaxweynuhu uu sheegay in meydadka Xujeyda Iiraan aan lagu aasi karin dalka Sacuudiga.

Xukuumadda Iiraan ayaa sheegay in Xajka ay ku geeriyoodeen 400 oo qof oo ka mid ah xujeydii reer Iiraan ee sannadkan gudanayay xajka, iyadoo lagu wado in meydadka kale iyagana la geeyo Iiraan si loo aaso.

Dhanka kale, Xukuumadda Tehran ayaa ugu baaqday Boqortooyada Saudi Arabia inay ku wareejiso maamulka Xajka Ururka Iskaashiga Islaamka, maadaama ay ku fashilmeen inay ilaalinta xujeyda booqanaya Xaramka.

Ugu dambeyn, Sacuudiga ayaa ka digay weerarka afka ah ee kaga imaanaya mas’uuliyiinta dalka Iiraan, isla markaana aan la siyaasadayn shilka ka dhacay Xajka oo ay ku dhinteen in ku dhow 1,000 qof oo xujey ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya