4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Iska-horimaad Suuqa Bakaaraha ku dhexmaray Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Askari ayaa dhintay, saddex qof oo uu ku jiray askari ayaana ku dhaawacmay iska-horimaad maanta askar kawada tirsan kuwa dowladda FS ku dhexmaray waddada koowaad ee suuqa Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labadan askari ee dagaalamay ay kala ahaayeen ciidamada dowladda hoose ee Muqdisho iyo askari ka tirsan ciidamada amniga dowladda , iyadoo aan la ogeyn sababta dhalisay iska-horimaadkooda.

“Iska-horimaadku wuxuu u dhexeeyay laba askari oo ka kala tirsan ciidamada canshuuraha ee  dowladda hoose iyo askari kale oo kuwa amniga ah; rasaas culus ayayna labadan askari is-weydaarsadeen, muddo ayuuna ganacsigu hakad ku jiray,” ayuu yiri ganacsade ku sugan suuqa bakaaraha oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Goobjoogahan ayaa sheegay inuu arkay dhimashada hal askari oo askartii uu dagaalmu dhexmaray ahaa; iyadoo midkii kalena uu dhaawacmay, waxaan sidoo kale ku dhaawacmay goobta laba qof oo shacab ah.

Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin iska-horimaadka askartan dhexmaray, iyadoo ay gaareen goobta ay is-rasaaseyntu ka dhacday ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah oo goobta ka qaaday maydka askariga dhintay iyo kan kale ee dhaawacmay.

Xaaladda ayaa haatan deggen, iyadoo ganacsigiina dib loo furay, waxaana rasaastan ay si aad ah u qal-qal-gelisay ganacsatada suuqa iyo dadkii kale ee ka adeeganayay, waxaana la dhigay dhaawacyadii isbitaallada Muqdisho.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo askar kawada tirsan dowladda Somalia ay isku-dhacyo, iyadoo dhawr jeer ay iska-horimaadyo noocan oo kale ah ka dhaceena qaybo ka mid ah dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya