4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Tobaneeyo qof oo lagu dilay bannaan-baxyo ka dhacay Caasimadda Burundi ee Bujumbura


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof  ayaa lagu dilay bannaan-baxyo iyo isku-dhacyo dhexmaray ciidamada booliiska iyo shacabkii dibadbaxa dhigayay, iyadoo ay tiro kalena dhaawacmeen.

Iska-horimaadyo daran ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday xarunta Burundi ee Bujumbura tan iyo markii madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza la sheegay inuu ku guuleystay markii saddexaad xilka madaxnimo, iyadoo mucaaradku ay ku tilmaameen arrintaas mid kasoo hor-imaanaysa dastuurka dalkaas iyo weliba heshiiskii ay Burundi uga baxay colaadihii sokeeye sannadkii 2006-ka oo laga joogo muddo 13-sano ah.

“Gellinkii dambe ee Sabtidii shalay ayay iska-horimaadyo billowdeen,” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska Burundi, Pierre Nkurikiye, isagoo intaas rabshada ku eedeeyay kooxo hubeysan oo weeraray xafiiskiisa oo ku yaalla Mutakura oo ku taalla waqooyiga caasimadda dalkaas.

Nkurikiye ayaa arrintaas ku daray. “Weerarkaas waxaa lagu dilay laba ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay laba askari oo booliiska Burundi ka tirsan.”

Sidoo kale, goobjooge la hadlay AFP ayaa sheegay in isku-dhacyadii Sabtidii ka dhacay caasimadda Burundi ay ahaayeen kuwo ka dhacayay xaafado badan oo ku yaalla Bujumbura.

“Xaafadaha Cibitoke iyo Mutakura ayay rabshadaha intooda badan ka dhaceen, lix qof oo mayd ah ayaa laga helay wadooyinka xaafadahan saakay oo Axad ah,” ayay sheegeen saddex goob-jooge iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga.

Goobjooge kale oo isna ku sugan xaafadda Matakura ayaa isagana warbaahinta u sheegay in saakay laga helay xaafaddaas maydadka afar ruux oo kale oo ay jirkooda ka muuqdeen rasaastii lagu dilay, iyadoo sidoo kale qaarkood madaxa laga toogtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in rabashaduhu ay billowdeen markii ciidamada booliiska ay xireen dhallinyaro ka mid ah kuwa xaafadda Mutakura, markaas oo ay weeraren ciidamada booliiska dadweyne ka careysan xariga dhallinyaradan.

“Shalay gellinkii dambe illaa xalay waxaa magaalada Bujumbura ka socda rasaas kala duwan, kuwaasoo ka dhacayay qoryaha daran-doorriga u dhaca,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Burundi, wuxuuna intaas raaciyay. “Inta badan shacabka ayaa waxay shalay iyo xalay ku sugnaayeen guryahooda.”

Ugu dambeyn, mudaaharaadyada rabshadaha wata ayaa ka socday Bujumbura tan iyo bishii Abriil ee sannadkan, kaddib markii uu sheegay Nkurunziza inuu u tartamayo mar saddexaad xilka madaxnimo ee dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya