4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Somalia oo kulan la yeeshay Qaybaha Bulshada (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka Somalia ayaa maanta kulan wada-tashi ah oo ku saabsan arrimaha xuduudaha & federaalka waxay Muqdisho kula qaateen qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay aqoonyahano, waxgarad, urarada haweenka, abwaanno iyo dhallinyaro, waxayna xubnahani ay soo gudbiyeen aragtiyadooda ku aaddan nooca uu noqonayo federaalka dalka ka hirgalay iyo xuduudaha.

Mas'uuliyiin ka socday wasaarada arrimaha gudaha ayaa goob-joog ka ahaa kulanka wada-tashiga ah ee uu soo qaban qaabiyay guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka.

Xoghayaha Guddiga, Liibaan Cali Sahal oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu guddigu guda-geli doono howlaha horyaalla; taasoo ah sidii loo hagaajin lahaa xiriirka maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Somalia.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddiga xuduudaha iyo federaalka, Khaliif C/kariin Maxamed ayaa isaguna sharaxay shaqada guddiga u xil-saaran yahay ay tahay  sidii dalka looga hirgelin lahaa federaal la isku raacsan yahay, wuxuuna xusay in ay sii wadayaan wada-tashiyada ay la yeelanayaan qaybaha bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in guddiga dadaal ku bixin doono sidii howsha adag ee loo ig-maday uu uga soo dhalaali lahaa.

Ugu dambeyn, guddiga xuduudaha & federaalka ayaa ka mid ah guddiyada madaxa-banaan ee dhawaan uu meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddigaan laga sugayaa howlo badan oo ay ugu weyn tahay arrimaha muranku ka taagan yahay ee xuduudaha iyo federaaleynta dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya