4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
Wasaaradda Amniga Qaranka oo sheegtay in la baarayo dilka wiil ay toogteen Ciidanka AMISOM


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Wasaaradda amniga Qaranka Somalia ayaa sheegtay in guddi ka kooban shan xubnood ay u xil-saareen baarista wiil dhallinyaro ah oo ay 27-kii bishii September ee lasoo dhaafa ku dileen ciidamada AMISOM degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, C/raxmaan Tuuryare ayaa maalintii shalay ahayd waxay booqdeen hoyga ehllada wiilkii ay AMISOM dileen.

Sidoo kale, wasiirka iyo taliyaha sirdoonka ayaa la kulmay aabaha dhalay wiilkaasi oo ay u xaqiijiyeen in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dilka wiilkiisa uu u geystay askari ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan.

“Waxaan u saarnay guddi soo baara dilkan, waxaana u xil-saarnay guddi shan xubnood ka kooban oo sameeya baaritaan dhab ah, in loo cadaalad-falo wiilka dhintay iyo reerka uu ka baxay waa mid waajib ah, marka xukuumadda Somalia waxay gacan ka geysaneysaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xuquuqdooda u heli lahaayeen,” ayuu wasiirka amniga ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay.

Dhinaca kale, taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in iyaguna ay wadaan baaritaan ku aaddan dilka loo geystay wiilkaasi yar, sida ay warbaahinta qaar ka mid ah u sheegay Afhayeenka AMISOM Col. Paul Njuguna.

Ugu dambeyn, askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay waxay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo kubad ciyaaryay agagaarka is-bartiibada weyn ee Muqdisho oo saldhig u ah ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya