4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2015
FARMAAJO: Xilligan in dadka loo xiro Arrimo Siyaasadeed waxay keenaysaa inuu dalku mugdi galo


Axad, Oktoobar 04, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xariggii ciidamada dowladda Somalia u geysteen wariyeyaal ka tirsanaa Tv-ga Universal iyo xiriddii xafiiskii Muqdisho uu ku lahaa telefishinka.

Mudane Farmaajo oo wareysi uu siiyay idaacadaha ka howlgala Muqdisho mid ka mid ah wuxuu ku sheegay inay wax laga xumaado tahayin 25-sano kadib dowladdu caburiso War-baahinta madaxa-bannaan, isagoo xusay in dowladda Somalia ay tahay mid dimuqraaddi ah.

“Dhab ahaan waa arin aad looga xumaado, inta la galo xafiiskii Universal Tv oo la xiro, waliba labada mas’uul ee Telefishinka ka tirsan ay labo cisho ay xiran yihiin, ma ahan in dowladdu caburiso Warbaahinta,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu Sheegay inaan loo baahnayn in xilligan suxufiyiinta loo xir-xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka Somalia ay iyagaba saxaafadda adeegsadaan.

“Ma ahan in arrimo siyaasadeed dadka loo xir-xiro, taasi waxay dalka u horseedi kartaa mugdi, Madaxweynaha laftigiisu Universal Tv iyo Idaacadaha kale wuxuu u yeertaa si uu hadalkiisa ugu mariyo shacabka,” ayuu Farmaajo mar kale yiri.

Ugu dambeyn, habeen ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan nabadsugidda ay xireen xafiiskii Universal Tv ee Muqdisho, waxaana arrimaha lagu heysto TV-ga la sheegay inay tahay dood ka baxday toddobaadkii hore oo ay ka qayb-galeen xildhibaano baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya