4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Kooxda IS oo sheegtay inay diyaaradii Ruushka iyagu soo rideen & 224-qof oo dhintay (Sawirro)


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Diyaaraddii uu Ruushku lahaa ee maanta ku dhacday buuraleyda gobolka Siinaay ee dalka Masar ayaa la sheegay inay 224-kii qof ee saarnaa ay geeriyoodeen, kuwaasoo isugu jiray 217 rakaab ah iyo 17 shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Carabta qaar ka mid ah ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan dhicitaanka diyaaraddan, iyagoo war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda oo aysan u dhicin cillad la soo daristay.

Rakaabkii saarnaa diyaaraddan ayaa waxay isugu jireen 138 ruux oo haween ah iyo 62 rag ah, waxaana sidoo kale ku jiray 17 carruur ah. waxaana xukuumadda Ruushku ay sheegtay in 224-qof oo ka mid ah rakaabka ay u dhasheen Ruushka, halka saddex qof ee kalena ay u dhasheen dalka Ukraine.

Safaaradda Ruushku uu ku leeyahay magaalada Qaahira ayaa sheegay inay qaar ka mid ah saraakiisha dalka Masar u sheegeen in duuliyuhu uu isku dayay inuu ku dajiyo diyaaradda garoonka El-Arish, balse nasiib-darro uu xiriirkii diyaaraddu lumay.

“Waan arkay burburkii diyaaradda,” ayuu sarkaal hay’adaha amaanka Masar ka tirsan u sheegay Reuters. Isagoo hadalkiisa raaciyay. “Waxaan arkay maydadka dad badan oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda oo ku firirsan buuraleyda ay diyaaraddu ku dhacday.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Diyaaraddu laba qaybood ayuu u kala jabay. Qayb ka mid ah burburka diyaaraddana wuxuu ku gubtay buuraha. In ka badan 100 mayd ayaa dibadda kusoo dhacay, intii kalena weli waxay weli ku jiraan burburka diyaaradda.”

Gobolka Siinaay ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin Islaamiyiin xiriir dhow la leh kooxda khilaafada Islaamka, kuwaasoo dilay boqolaal ciidammada Masar ka mid ah, sidoo kalena weerarro ku qaaday danaha reer galbeeedku ay ku leeyihiin dalka Masar.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq Qaran oo loogu barooranayo boqolaalka qof ee Ruushka ah ee ku dhintay shilka diyaaradeed, baroortaas oo ka dhacaysa Ruushka oo dhan berri oo Axad ah.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa waxaa iska lahayd shirkadda Kogalymavia, iyadoo ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh iyadoo ku socotay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahiyay ehellada rakaabkii diyaaraddan la socday oo ku barooranaya gudaha garoonkii ay ku wajahnayd. Waxaana la sheegay in diyaaraddan oo la sameeyay sannadkii 1997-kii ay sameysay in ka badan 21,000 oo duullimaad oo caalami ah.

Shilkan iyo sheegashada kooxda IS ee mas’uuliyaddad dhicitaanka diyaaraddan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Ruushku ay duqeymo cirka ah oo ay ku beegsanayso kooxda Daacish ay kawaddo Suuriya, kuwasaoo ay si rasmi ah u billowday 30-kii bishii September ee sannadkan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in Masar ay u dirayaan khuburo Ruushan ah oo baaritaanno kusoo sameynaya qaabkii uu u dhacay shilka diyaaradda laga leeyahay Ruushka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya