4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Xildhibaan la Dhaariyay iyo Dooddii Sharciga Maal-gashiga Shisheeye oo lasoo Gaba-gabeeyay


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo bedelay xildhibaan iskiis isku casilay, iyadoo sidoo kale, xildhibaannada baarlamaanka Somalia ay maanta soo gaba-gabeeyeen dooddii sharciga maal-gashiga shisheeyaha.

Xildhibaanka la dhaariyay ayaa lagu magacaabaa, Liibaan Cumar C/raxmaan oo bedelaya xildhibaan Maxamed Xuseen Nuur (Xagaafe) oo iskiis xilka isaga casilay, iyadoo dhaarinta kaddib uu mudane Maxamed Cumar Dalxa u akhriyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya warbixin ku sabsan shirkii baarlamaannada Carabta ee dhawaan lagu qabtay Tuuniisiya.

Intaas kaddib ayay xildhibaannada baarlamaanka Somalia waxay gudo-galeen ka doodista sharciga maal-gashiga shisheeye, iyagoo ka dhiibtay aragtiyadooda ku aaddan sharcigan oo akhrintiisii labaad maanta lasoo gunaanaday, waxaana xildhibaannadu ay aragtiyadoodu kala ahaayeen; hubinta shirkadaha u imaanaya dalka maal-gashiga, kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ku yeelan karaan fursadaha ay ajaanibtu ku maal-gashanayaan dalka iyo muddada fasaxa ama ruqsada loo siinayo maal-gashadayaasha ajaanibta ah.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Aadan oo xildhibaannada la hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta wasaaradaha xukuumadda kaga aaddan sharcigaan, isagoo xildhibaannada ka codsaday inay sharcigan meel-mariyaan maadaama baahi weyn loo qabo.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir-guddoominayay ayaa gaba-gabadii kulanka ka dalbaday guddiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo warashadaha baarlamaanka in tallooyinka xildhibaannada kusoo daraan sharcigan, dhanka kalena wuxuu xusay in shrka ugu soo horreeya ee baarlamaanku looga doodi doono sharciga saxaafadda Qaranka.

Ugu dambeyn, sharci walba oo baarlamaanka la hor-keeno wuxuu maraa seddex akhrin, hindise sharciyeedka maal-gashiga shisheeye ayaa marayaa marxaladdii ugu dambeysay mar haddii maanta lasoo gunaanaday dooddiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya