4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo shaaciyay in aan magacaabida gudiga farsamada lagala tashan


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fataax Xassan Afrax oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay wareegtadii kasoo baxday wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ee lagu magacaabay guddiga farsamada dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha oo ka mid ahaa saxiixayaashii heshiiska dhismaha maamulka labada gobol ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax la tashi lagala sameeyay guddiga farsamada, maadaama wasiirka arrimaha gudaha uu wareegtadiisa ku sheegay in arrintan magacaabista guddiga farsamada uu ka tallo galiyay saxiixayaashii dhismaha maamulka labada gobol.

''Wareegtada lagu magacaabay 14 xubood waa mid guud ahaanba khilaafsan hishiiskii dhismaha maamulka labada gobol iyo tirradii lagu hishiiyay in lagu saleeyo guddiga farsamada oo aheyd 31 xubnood, tan kale wareegtada waxaa ku xusan oo aan ku arkay in la tashi lagala sameeyay magacaabista guddiga saxiixayaashii labada gobol, aniga ayaa gobolka u saxiixay hishiiska, guddoomiyihii gobolka ayaan ahay, wax aan kala socdo haba yaraatee ma jirto magacabistan'' ayuu yiri Cabdifitaax Xassan Afrax.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu ku dadaalay wax inuu bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ku qanciyo inaysan ka horiman nidaamka federaalism-ka iyo dhismaha maamulka labada gobol oo ilaa iyo hadda ay jiraan sidda uu hadalka u dhigay waxgarad iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo ka soo horjeeda, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in sidda hadda wax loo magacaabi keenni karto in la sii fogeeyo aragtidii markii horeba laga qabay federaalism-ka iyo dhismaha maamulka labada gobol.

''Markii aan saaka xafiiska soo fariistay waxaa ii yimid waxgaradkii gobolka oo idil, dhamaantood hal su'aal oo isku mid ah ayeey i weydiinayeen oo aheyd ma adiga ayaa raali ku ahaa magacaabista guddigan farsamada lagu dhawaqay, dabcan mas'uul ayaan ahay wax aan waxba kala socon sax ma'aha in aan ka been abuurto, waxaan u sheegay in aan leygala tashan, waxaadna arkeysaan jawaabta ay bulshada ka bixinayaan sidda wax loo maamulay'' ayuu intaa ku daray guddoomiyaha.

Mas'uuliyiinta dowladda guud ahaan gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha Somalia ayuu ugu baaqay in ay ka laabato go'aanka magacaabista guddiga farsamada oo sidda uu hadalka u dhigay noqon kara mid sii kala fogeeya bulshada ku wadda dhaqan gobolka Hiiraan.

''Annaga maamul ahaan, marnaba ma sameyn karno inaan rabitaanka bulshada is hortaago, laakiin ka maamul ahaan doorka aan qaadaneyno waxaa uu yahay in uusan amnigu faraha ka bixin, maxaa yeellay marka xaaladu halkaa mareyso waxaa dhici karta in ay soo baxaan arrimo aan la filaneynin, sidaa daraadeed waa in laga digtoonaado in khilaaf iyo cadaawad laga dhax abuuro dadka gobolka ku wadda dhaqan'' ayuu guddoomiye Afrax.

Mar wax laga weydiyay dooda ah in guddiga farsamada ku jiraan shaqsiyaad aan kasoo jeedin gobolka, waxaa uu yiri'' Anniga shaqsiyaad kama hadlayo, waayo 14ka ruux waa Soomaali dhamaantood, haddii ay Reer Hiiraan yihiin iyo haddii ay reer Shabeellaha dhexe yihiin intaba xaq ayeey u leeyihiin in ay guddiga farsamada ka mid noqdaa, laakin waxaan ka hadlayo waa jidka iyo dariiqa loo maray magacaabista iyo sidda loo maamulay oo aan sax aheyn'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii waxa uu sheegay in go'aanka arrintan ku saabsan iyo waxa laga yeelayo tahay arrin u taalada bulshada ku dhaqan gobolka oo ah kuwa la doonayo in loo sameeyo maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya