4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
SAWIRRO: Hay’ad ka Faaloon doonta Siyaasada Geeska Afrika oo Hargeysa looga Dhawaaqay


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Waxaa magaalada Hargeysa laga daah-furay hay’adda Ambaqaad oo ka shaqaynaysa falanqeynta iyo odoroska hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale iyo xulashada siyaasadaha dawladnimo iyo midda maamul ee ka jira geyiga Soomaalidu degto.

Munaasibad balaadhan oo hotel Crown ee magaaladda Hargeysa loogu qabtay ayaa waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiinta xisbiyada siyaasadda iyo xukuumadda, kuwaasoo soo dhoweeyey hay’adan ka shaqayn doonta cilmi baadhista iyo falanqeynta arrimaha siyaasadda.

“Hay’addani waxay ka shaqayn doonta helidda argtiyo lagula fal-galo murugga dhan walba leh (siyaasad, dhaqaale, bulsho) ee soo food saaray geyiga soomaalidu degto ee geeska Africa, ugu horeynna. Waa Ambaqaadka aragti hor-leh oo doorisa Aragtidii Siyaasadeed ee Soomaali-weyn (Great Somali Nation State) ee nuxurkeedu ahaa in geyiga soomaalidu degto ee geeska afrika lagu mideeyo hal Dawlad oo ku dhisan isir ku-dhaadasho”ayuu yidhi gudoomiyaha hay’adda Maxamed Sheekh Ibraahim

Waxaanu intaas ku daray. “Iyadoo waayo-aragnimo laga dheeganayo sooyaalka laga dhax-lay baadi-goobkii loo soo galay meel-marinta aragtidaasi. Somali-weyn iyo ma-harooyinkii ay reebtay ee saamaynta taban ku yeeshay dadnimadii Soomaalida, duntii dhexdooda, hab-noloeedkeedii iyo daris-wadaagii ay dadyawga kale la lahaayeen”.

“In Gooni isu-taagga Soomaaliland iyo madax-banaanideeda qarannimo garawshiiyo iyo garab-gal uu ka helo Soomaalida kale ee aayaheeda ka tashatay sida Jamhuuriyada Jabuuti, dowlad-deegaanka Soomaalidu degto ee Itoobiya ee Jamhuuriyadda fedaraalka Itoobiya, Ismaamul goboleedka Soomaalida waqooyi bari ee Kenya, Beesha Caalamkuna si buuxda u aqoonsato,” ayuu raaciyay.

Hay’adda Ambaqaad ayey sheegeen inay adeegsanaysa raad-raaca aqooneed ee dhitada u ah garashada adaamaha waxay hab ku qotoma baadhis u diiwaan galineysaa waayaha ka jira gayiga Soomaalidu degto iyo waxa ay mutaan qurbe-joogta soomaalidu.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Yuusuf, guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel iyo xubno kale. Kuwaasoo dhamaantood soo dhoweeyey xaruntan ka faaloon doonta arrimaha siyaasadda.

Ugu dambeyn, wasiirka xiriirka goleyaasha iyo taknoolajiyada Cali Xaamud ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hay’ad, isla markaana loo baahan yahay in cilmi baadhisyo dhinac-yada nolosha iyo dhaqan dhaqaalaba loo baahan yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland