4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Taliyaha CXDS oo sheegay inay ka go’an tahay inay ciidammo awood leh dhisaan (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta kormeeray xerada Jazeera ee duleedka Muqdisho, halkaasoo tababarro ay uga socdaan cutubyo ka tirsan ciidanka millateriga Somalia, isagoo kormeeray dhamaan xerada, wuxuuna warbixino ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysay oo Soomaali iyo ajnabi isugu jiray.

Jen. Maxamed Aaden ayaa uga mahad-celiyay saraakiisha tababarka bixinaysa sida ay uga go’an tahay inay soo saaraan ciidammo leh tababar wanaagsan. wuxuuna ciidamadii uu u socoday tababarka u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan difaaca dalkooda hooyo, dhinaca kalana ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay gacan ay ka geystaan dhismaha ciidanka xoogga dalka.

“Tababarrada aad qaadanaysaan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo ciidanka Qaranka,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia oo intaas raaciyey in taliska C.X.D.  uu muhiimada koowaad siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidammo aqoon iyo khibrad ku shaqeeya kana madax-bannaan eex iyo cid gooni ah.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa yiri. “Tababarrada ciidamadu wa astaan muujinaysa dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida, waxaana naga go’an inaan balaarino tababarka & qalabaynta ciidamadeenna si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo id-maday.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya