4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadbax ay ku dalbanayeen in lasoo qabto kooxo dil geystay


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa sameeyay dibad-bax ay ku dalbanayaan in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilka ruux Soomaali ah oo magcaabi jiray, C/kariin Xaaji Maxamed oo toddobaadkii hore lagu dilay Minneapolis.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in cidda haysa macluumaadyada la xiriirka dilkaas ay u gudbiyaan hay'adaha ammaanka magaalada Minnesopolis, si ay u suuro-gasho in lasoo qabto kooxihii dilkaas geystya.

Sidoo kale, waxaa dibadbaxan ka qaybgalay qaar ka mida mas’uuliyiinta hay'adaha amniga iyo kuwa maamulka ee magaalada Minneapolis. Waxaana dadkii dibadbaxa ka hadlay ay dhamaan ku baaqayeen in lasoo qabto kooxihii dilka C/xakiin geystay.

Jabriil Afhare oo ka mid ah madaxda urur ay Soomaalida gobolka Minnesota ku nool ay leeyihiin oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la maqlo codkooda, cid walba oo dhibaato geystana gacanta lagu soo dhigo, aanan muujinno haddaan Somaali nahay aan xaqeenna u doodi karno.

Mar la weydiiyay kasoo qaybgala ay dibadbaxa kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta gobolka Minnesota qaarkood, ayuu Jabriil ku jawaabay. “Innaga ayaa u tagnay oo ka dalbanay inay naga soo qayb-galaan dibadbaxa. Waxayna noo sheegeen in ay dadaalka badin doonaan, ciidammo badan oo booliis ah ayaana baaritaanka dilkan loo saaray.”

Waxaa kaloo Jabriil la weydiiyay cid lagu tuhmayaan dilka C/xakiin Xaaji, wuxuuna ku jawaabay. “Ma jirto cid aan ku tuhmayno, laakiinse waxaanu dalbanaynaa haddaanu nahay Soomaalida ku nool gobolkan in lasoo qabto kooxihii dilkaas geystay; isla markaana sharciga la horkeeno.”

Dhanka kale, Canab Cabsiiye oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo iyaduna VOA-da u warrantay, waxayna sheegtay in C/xakiin Xaaji uu ahaa nin bulshadeena caawin jiray, waxaana booliiska ka codsanaynaa inay ku soo dhigaan gacanta kooxihii dilay.

Ugu dambeyn, Maama Xalwa oo ka mid ah Soomaalida Minneosta oo u warramaysay isla idaacadda VOA-da ayaa ku baaqday in la joojiyo dilalka loo geysanayo shacabka, waana in bay tiri lasoo sheego oo aan la qarin dadka dilalka geysta.

Si kastaba ha haatee, ma ahan markii ugu horreysya oo muwaadin Soomaali ah lagu dilo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo sannadkan oo keliya lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah, iyadoo gobolkanna uu yahay kan ay degen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku sugan Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya