4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
Madaxweynaha Somalia iyo RW dalka Narendra Modi oo kulan ku yeeshay New Delhi (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India kula kulmay ra’iisul wasaaraha jamhuriyadda India, Narendra Modi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo celinta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Somalia iyo India, iyo in la billaabo iskaashi dhinacyo badan ah oo labada dal ay ka faa’ideysan karaan.

Madaxweyne Xasan ayaa Modi u sheegay in Somalia ay ka baxday xilligii colaadaha ayna diyaar u tahay soo dhaweynta maal-gashiga shisheeye, sida dalka Hindiya, isagoo intaa ku raaciyay in tallaabadaas ay gacan ka geysanayso dib u soo kabashada dhaqaalaha Somalia.

Sidoo kale, RW Modi ayaa isna ballan-qaaday inay Somalia ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee ka qayb-galeysa shir madaxeedka saddexaad ee dalalka Afrika iyo India, wuxuuna shirkaas ka jeediyay khudbad.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya