4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Wasiirro Cusub - Wasiirradii horena isku shaan-dheeyay


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa xalay xilli dambe magacaabay raxan wasiirro, wasiirro ku xigeen iyo taliyeyaal cusub, isla markaana buuxiyay inta badan masuuliyiintii baneeyey xilalkooddii.

Wasiirrada cusub ee la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Cabdilaahi Ibraahim Habbane oo muddo dheer ahaa xogyaha guud ee golaha guurtida, isl amarkaana ka mid ahaa mura-sharaxiintii madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye u tartamayey oo shalay u tanaasulay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, waxaana loo magacaabay wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta sare.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed xallay goor dambe ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka cusub ee madaxweynaha Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr).

Wasiirada loo magacabay xilalka cusub ee ay baneeyeen masuuliyiintii xilalka iska casilay waxa ka mid ah.

1. Mudane, C/llaahi Faarax Maydhane, oo loo magacaabay wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka ee Somaliland.

2. Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere)  oo maanta laga bilaabo noqon doona  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

3. Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo maanta waxa uu noqon doonnaa Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. Mudane, Cabdi Daahir Camuud, wuxuu noqon doonnaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.

5. Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo maanta wuxuu noqon doonaa wasiir ku-xigeenka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Mudane, C/rashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari Somaliland.

7. Mudane, C/salaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

8. Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga billaabo taariikhda maanta uu ahaado wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

9. Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Somaliland.

10. Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

11. Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland.

12. Eng. Cabdi Maxamed Hiirad, laga billaabo taariikhda maanta uu ahaado wasiir ku-xigeenka wasaarada hawlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka ee Somaliland.

13. Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

14. Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

15. Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

16. Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

17. Mudane,  Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

18. Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

19. Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland.

20. Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

21. Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland