4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
SAWIRRO: Darwalada Mooto Bajaajta oo Maanta Bannaanbax Cabasho ah ka dhigay Muqdisho


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Wadayaasha iyo milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno ee ka howlgala Muqdisho ayaa qaarkood waxay maanta dhigeen dibadbax ay kaga cabanayaan Waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah oo loo diiday inay maraan.

Darawallada dibadbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay inay ka cabanayaan cadaadis ay sheegeen in iyaga si gaar ah loogu hayo, iyagoo intaas raaciyay in loo diiday in loo diiday inay maraan waddooyinka caasimadda qaarkood, sidoo kalena laga qaado lacago fara badan oo aysan awoodi karin inay bixiyaan.

“Waxaa Waddooyinka Magaalada noo Taagan Ciidammada Dowlada Hoose ee Muqdisho, kuwaasoo si joogto ah nooga qaada lacago badan, Waxaana sidoo kale naloo diiday in aan marno Qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Somalia, sida Waddada Garoonka, haddana waxaa naloo diiday inaan marno waddada Madaxtooyada, illaa hadda ma garanayno sababta arrintan ka dambeysa” ayuu yiri Xasan Cali Cumar ka Wadayaashii maanta dhigay Bannaanbaxa ka mid ahaa.

Sidoo kale, Banaanbaxayaasha ayaa mootooyinka dhigay hareeraha waddooyinka ku yaalla Muqdisho Qaarkood, mana jirin wax rabshado ah oo dhacay intii banaanbaxooda cabshada ah uu socday.

Darawallada Mootooyinka Bajaajta ayaa ka Codsadeen Dowladda Somalia in ay soo fara-geliso dhibaatooyinka lagu hayo; isla markaana laga qaado culeyska sida gaarka ah loogu hayo.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay Mootooyinka Bajaajta ahi kusoo kordheen dalka waxaa isbedel uu ku yimid qiimaha dadka ay ku raacaan gaadiidka; iyagoo lacag jaban ku raaca mootooyinkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya