4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Dowlada Somalia oo sheegtay inaysan Kaalmo u baahnayn, balse ay u baahan tahay MAAL-GELIN


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegay in Dowladda Somalia aysan u baahnayn Gar-gaar, laakiin ay u baahan yihiin maal-gelin toos ah, isagoo xusay inay Xilligan dalka ka jiraan Horumarro kala duwan; ayna kasii baxayaan Deggenaasho la’aantii jirtay Sannadaha badan, sida Colaadihii Sokeeye, Burcad-badeedda iyo Argagaxisada.

Sharma’arke oo u VOA-da ugu warramayay New York ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay soo jeedisay Qorshe Horumarineed, kaasoo dalka ka caawinaya dib u dhiska Mustaqbal Wanaagsan oo ifaya.

“Waxaanu soo jeedinnay Qorrshe guud oo Horumarineed, kaasoo Waddamada Xubnaha ka Qaramada Midoobay ay kaga caawinayaan Soomaaliya sidii ay si iskeed ah dib ugu dhismi lahayd,” ayuu yiri Sharma’arke, oo intaas ku daray. “Innagu ma doonayno kaalmo, laakiin waxaan doonaynaa maal-gelin toos ah.”

RW Somalia ayaa intaas ku daray in xilligan la joogo waqtigii ay Soomaaliya ku tiirsanaan lahayd Khayraadkeeda dambiiciga ah, maadaama kaalmooyin ay ka hesho Caalamka aysan ahayn kuwo ku filan.

“Haddii Beesha Caalamku na siiyo fursad ayna maal-gelin ku sameeyaan dalkeenna, Taasi Waxay keeni kartaa inaan Hoggaaminno dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika,” ayuu mar kale yiri RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Khudbadihii ay Madaxda Soomaaliya ka jeedin jireen Shirarka QM intii uu Dalku ku jiray Colaadaha, waxay diiradda saari jireen in Dunidu caawiso, laga taageero dagaallada lagula jiro Argagaxisada iyo Burcadbadeedda. Balse Sharma’arke ayaa sheegay in Somalia aysan wixii hadda ka dambeeya ku jiri doonin rajo xumo iyo cabsi.

DIB U SOO KABASHADA;

“Waxaanu kasoo kabsanaynaa colaado iyo deggenaasho la’aan soo jiitamayay in ka badan 25-sano ka socday Dalkeenna. Haatan dalka waxaa ka socda dib u dhis, Xilliganna ma jirto wax cabsi ah. Waxaana jirta rajo iyo horumar wanaagsan,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Sidoo kale; RW Somalia ayaa ka Hadlay dhanka Siyaasadda; isagoo sheegay in ay Haatan Xukuumaddiisu Sameysay Horumar Siyaasadeed oo ku Wajahan Aragti ah in Dalka ay ka dhaco doorasho. Wuxuu intaas ku daray in dhawaan la billlaabayo dib u eegista Dastuurka, kaasoo nagu hogaamin doona sidii ay Somalia uga dhici lahayd doorasho. Isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in sannadka soos socda ay Somalia ka dhacdo doorasho.

“Markaan Ogaannay inaanan Howsha inoo taalla ku Dhameystiri karin Muddada ka harsan sanadka 2016-ka si dalka ay uga dhacdo doorasho, ayaan go’aasanay inaan qabanno Wada-tashi Qaran oo lagu qeexayo sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah ee sannadka soo socda.

ARRIMAHA ARGAGAXISADA;

Iyadoo Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay Weerarro kala duwan ku hayso Dowladda Somalia ayuu haddana RW Somalia wuxuu sheegay in Al-shabaab aan looga adkaan karin hab millateri oo keliya.

“Inkastoo Al-shabaab aan kaga adkaannay howlgallada Millateri ee socda, haddana waxaa loo baahan yahay in dadaallo badan lagu bixiyo in si wadajir ah loola dagaallamo fikradaha Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Mar la weydiiyay Sharma’arke sida uu u arko hadalkii RW Britain David Cameron ee ahaa inuu Soomaaliya u dirayo ciidammo gacan ka geysta burburinta Al-shabaab ayaa wuxuu ku jawaabay in ciidammo loo diro Somalia uusan xal kama dambeys ah u ahayn dalka.

“Waxaan jeclaan lahaa in dalalka ay ka mid tahay Britain ay naga caawiyaan sidii aan dib ugu dhisi lahayn ciidamadeenna Qaranka, sida Tababarka iyo qalabeynta ciidamada, balse ma ahan midda aan doonayno inay naga caawiyaan cirib-tirka Al-shabaab oo keliya, si loo dhiso ammaanka guud ee dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray RW Somalia.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo Sannadkii 2006-dii waxay Dagaallo kula jirtay Dowladda Somalia iyadoo isku dayaysay inay xukunka uga tuurto, inkastoo aysan ku guuleysan hadafkeedaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya