4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Bangiga Adduunka oo Muddo 5-sano ah bixinaya Mushaarka Dowladda iyo Maamul-Goboleedyada


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Bangiga Adduunka iyo Dowladda Somalia ayaa kala saxiixday heshiis uu Bangiga Adduunku ku bixinayo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Saxiixa Heshiiskan oo ka Dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa Waxaa Dhanka Dowladda Federaalka Somalia u Saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan, Halka Bangiga Adduunkana ay u Saxiixday Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya, Bella Bird.

Heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah oo ay ku baxayso lacag dhan 144-milyan oo doollar, ayaa waxaa dhammaantiis loo qoodeeyay mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamu-goboleedyada.

Waxaana Goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiskan wasiirada Maaliyadda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-galbeed Somalia. Waxaana sidoo kale Heshiiskan Qalinka ku Duugay Qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya oo ay ka mid tahay DowladdaTalyaaniga.

Dhanka kale, Saxiixa Heshiiska kaddib ayaa waxaa Goobta lagu Saxiixay laga sheegay in looga baahan yahay Dowladda Somalia iyo Maamul-goboleedyada ay lacagahan si hufan u maamulaan, lagana digtoonaado wax walba oo is-daba-marin ah.

Ugu dambeyn, Bangiga Adduunka iyo Waddamada Deeq bixiyeyaasha ah ayaa Sannadihii ugu dambeeyay dhinacyo badan ka Taageerayay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ka tahay dib u habaynta maamulka Maaliyadda iyo ka hortagga Musuq-maasuqa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya