4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Xildhibaano Sharci-daro ku Tilmaamay Xarigii Laba Wariyeyaal ka Tirsan TV-ga UNIVERSAL


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Xildhibaannada kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa si adag u cambaareeyay, sharci-darrana ku tilmaamay xariga wariyeyaasha, kaddib wareysi ay siiyeen BBC-da.

Dowladda Somalia ayaa xalay xabsiga dhigtay Agaasimihii Universal Tv ee Bariga Afrika, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad oo ah soo saaraha iyo daadiyaha barnaamijka Dood-Wadaag ee ka baxa Universal Tv.

Wariyeyaashan ayaa lagu Xiray Barnaamij ay ka Qayb-qaateen, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Somalia iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, kaasoo ka baxay Telefishinka Universal, waxaana labada wariye ay haatan ku xiran yihiin Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa BBC-da u sheegay in Xariga Wariyeyaashan aan loo marin sida sharcigu qabo, isla markaana aanay jirin dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga wareysteen, isla markaana sii daayeen Wareysigooda.

“Waxaa doonayaa inaan caddeeyo in sabab lagu xiray Wariyeyaashan inaysan jirin, Waayo Wariyuhu war buu ururiyaa, dabadeena sii daayaa, inagoo xildhibaanno ah ayayna wareysi naga qaadeen. Wax dambi ah oo ay galeenna ma jirto oo aan ka ahayn inay Warkeenna sii daayeen. Haddii Qofka dambi galo Waxaa lagama maarmaan ah in warqad Maxakamdeed lagu xiro, intaas ma dhicin ciidan ayaa xirtay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xusay in sharciga Warbaahinta uu wali la yaallo Baarlamaanka Somalia, haddii sharcigaas la meel-mariyana ay wax badan meesha ka baxayaan, sida Wariyeyaasha in la iska xirto.

“Weli wuxuu sharciga baarlamaanku horyaallaa; lamana Ansixin. Waxaaan ka xumahay in iyadoo sharciga aan la ansixin in Kal-fadhiyadii Baarlamaanka la xiray, Sharcigaas ayayna xuquuqda oo dhan ku qoran yihiin, waxaan Rajeynayaa haddii Sharcigaas soo baxo in wax badan meesha ka bixayaan,” ayuu xildhibaanku mar kale yiri.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna Dooddii Universal Tv ka baxay ka Qayb-galay ayaa sheegay in Wariyeyaasha la xiray aysan jirin Dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga ka wareysteen Xaaladda dalku marayo iyo sida ay wax u socdaan.

Ugu dabeyn, Ciidamada Nabad-sugidda Qaranka ayaa xalay xiray Universal Tv xafiiskiisa Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga oo ku saabsan xariga wariyeyaasha ka tirsan Universal Tv.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya