4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Ururka SADC oo xaflad u Sameeyay Suxufiyiin ku guuleystay Abaalmarino kala duwan (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Kulan Casho ah oo ka dhacay beerta xoriyada ee dalka Koonfur Afrika ee ku taalla Magaalada Pretoria ayaa waxaa kasoo Qayb-galay Wasiirrada Warfaafinta Koonfur Afrika, Faith Muthambi, isla markaana ah Xildhibaan Baarlamaanka dalkaas ka tirsan iyo Xubno kale oo ka socday dowladda hoose iyo maamulka Pretoria iyo kan gobalka Gauteng, waxaana Munaasabada soo Qaban-qaabiyay Guddiga Heerka Qaran ee Qiimeynta Warbaahinta Koonfur Afrika.

Munaasabaddaan oo laga jeediyay khudbado isugu jiray Guubaabo iyo Dhiirri-gelin ayaa Waxaa lagu sheegay inay ku Guuleysteen Wariyeyaal ka Tirsan TV-ga Qaranka Koonfur Afrika, Suxufiyiin u dhashay Dalalka Malawi, Botoswana iyo Swaziland ayaa iyaguna ku Guuleystay Qaybaha kale ee Abaal-marinta Warbaahinta sida Raadiyaha, Daabacaadda iyo Sawir-qaadidda.

Wariyayaasha ku guuleystay Abaal-marintaan SADC ayaa la siiyay lacag dhan $2,000.00, iyagoo lagu sii dhiirri-galiyay inay gacan qabtaan una faa'iideeyaan Wariyaasha kale ee la midka ah ee ku nool Gobalka Gauteng ee Koonfur Afrika.

Sidoo kale, Wasiiradda Warfaafinta Dalka Koonfur Afrika, Faith Muthambi oo iyaduna ka hadashay Munasabaddii Abaalmarinta Warbaahinta Urur Gobaleedka SADC ayaa sheegtay inay u rajeynayso dalalka kale ee aan ku guuleysan inay ka mid noqdaan Wariyeyaasha ku guuleystay Abaalmarinta warbaahinta sanadka inay dadaali doonaan oo ay ka qayb-qaadan Doonaan Taratanka Abaal-marinta Warbaahineed ee sannadka soo socda 2016-ka.

Faith Muthambi ayaa sidoo kale Kulanka uga Dhawaaqday in Araaji Qabashada Tartanka Warbaahineed ee 2016-ka ay billaabanayso bisha Jannaayo 2016-ka, iyadoo si gaar ah ula hadashay in Warbaahinta Koonfur Afrika ay dadaal badan muujiyaan si aan kaalintooda looga qaadan; ayna ku daydaan Warbaahinnada kale.

Ugu dambeyn, Wasiiradda Warfaafinta Dalka Koonfur Afrika ayaa Guddoonsiisay Abaal-marinno kala duwan Wariyeyayaal u dhashay waddanka Koonfur Afrika oo iyagu dadaal dheeraad ah muujiyay, iyadoo u rajeysay inay u soo bixi doonaan tartanka Abaalmarinta Warbaahinta urur goboleedka SADC.

Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika