4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanno ku yaalla Bartamaha Soomaaliya


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa la Wareegay laba Deegaan oo ka Tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somalia, kuwaasoo ku dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug oo ay Maamusho Al-shabaab.

Deegaanada ay Al-shabaab la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah Camaara iyo Bacaad-weyn; iyadoo Mas’uuliyiin Magacyadooda Qariyay ay u sheegeen Warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamka.

“Camaara iyo Bacaad-weyn waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haysa Al-shabaab,” ayay u sheegeen saraakiil magacyadooda qariyay oo ka tirsan maamulka Gobolka Mudug oo la hadlay Wakaaladda Wararaka Jarmalka ee DPA.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannadan aysan ku sugnayn ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo maamulka ka jira Gobollada Dhexe ee Somalia, Mana jirin wax iska-horimaad ah oo ay la kulameen.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo Sanadkii 2006-dii waxay dagaallo kula jirtay Dowladda uu caalamku taageero ee Somalia, iyadoo doonaysay inay xilka ka tuurto, balse dagaallo ka dhacay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia ayaa Al-shabaab looga Qabsaday Magaalooyin iyo Deegaanno dhowr ah.

Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay qabsashada deegaanada ayaa xusay inay si Nabad-galyo ah kula Wareegeen Deegaannadaas, ayna iyagu Haatan si buuxda Gacanta ugu hayaan.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab oo soo Xiganayay Saraakiisha kooxda ayaa baahiyay in boqolaal ciidammo ah oo Al-shabaab ka tirsan ay Deegaannadaan la Wareegeen, wax iska-caabin ah oo ay la kulmeenna aysan jirin.

Ugu dabmeyn, Camaara iyo Bacaad-weyn ayaa waxay 100-km u jiraan Magaalada Xarar-dheere, iyadoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay in ay horay ula Wareegtay Deegaannada hoos-yimaada Xarar-dheere.

Si kasta ha ahaatee, labadan deegaan ee la Qabsaday ayaa waxay ka mid yihiin Deegaanno ka mid ah kuwa uu ka taliyo Maamul-goboleedka GALMUDUG oo lagu dhisay Bartamihii sannadkan degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, kamana aysan hadlin Mas’uuliyiinta maamulkaas la wareegista Deegaannadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya