4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
RW SOMALIA: Waxaan Dhisaynaa Ciidan Awood leh oo La-dagaallama Xoogagga Al-shabaab


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in ay wadaan Qorshe ay ku dhisayaan Ciidammo Awood leh oo la dagaalama Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno Soomaaliya ka tirsan.

Sharma’arke oo u Warrramayay Reuters isgaoo ku sugan Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa intaas ku daray in ciidammo booliis ah geysanayaan deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab si amniga loo adkeeyo.

“Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa caawinaya ayaa waxay weerarro is-daba-joog ah ka wadaan gudaha Somalia, iyagoo Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah,” ayuu Wareysigiisa ku yiri Shrama’arke.

RW Somalia ayaa sidoo kale qiray inay jirto dhaqaale xumo haysta dowladda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay dadaal badan ugu jiraan sidii ay mushaarka ciidamada si dhaqso ah ku bixiyaan.

“Hadda, Ciidamadeenu waxay Dagaal kula jiraan Cadowga. Waxaan isku dayaynaa in aan Xoojinno Weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab. Waxaana Deegaannada laga Qabsado Al-shabaab geynaynaa ciidammo booliis, Waayo ciidamada millaterigu waxaa laga doonayaa inay sii wadaan dagaallada,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Xarakada Al-shabaab ayaa sannadiihii lasoo dhaafay deegaanno badan oo ay ka talin jireen laga saaray, kaddib dagaallo culus oo dhexmaray xoogaooda iyo kuwa dowladda Somalia oo kaashanaya AMISOM.

Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa xusay in dib u habeynta ciidamada ay tahay mid ay uga jawaabayaan weerarkii ay horraantii bishii hore ku qaadeen xero ay AMISOM ku leedahay Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose. Halkaasoo lagu dilay Ciidamo ka mid kuwa Uganda ee AMISOM ka tirsan.

RW Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Somalia ay go’aansatay in Dalka ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro Sannadka 2016-ka. xilligaasoo ay ku eg-tahay howsha Dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Bishii July ee Sanadkan ayay Xukuumadda Somalia si rasmi ah u shaacisay in aysan Dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah; laakiinse ay sameynaso qaab kale oo doorasho ah. Inkastoo aan weli la dajin doorashada dhici doonta nooca ay noqon doonto.

Waxaa lagu wadaa 14-ka bishan Oktoobar ay Somalia ka billaabato Wada-tashi Qaran oo Dastuuri ah, kaasoo looga Wada-tashanayo Dastuurka Dalka oo la Rabo in Afti-qaran loo qaado marka la dhameystiro.

Dhanka kale, Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay oo isna la Hadlay Reuters ayaa yiri. “Waxay Beesha Calaamku Quuddarreynaysaa in Somalia ay ka dhacdo doorasho.”

Kay ayaa intaas ku daray in geeddi-socodku uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ku jiraan qaybaha Bulshada oo dhan sida Dumarka; Baarlamaanka lasoo dooran doonana uu noqdo mid ay kuwada jiraan Rag iyo Dumar.

“Baarlamaan Walba waa Muraayad, Waana inay ka Dhex-muuqdaan Qaybaha Bulshada oo dhan. Waayo Baarlamaankii lasoo doortay sanadkii 2012-kii ma ahayn mid haweenka laga siiyay kaalintii ay ku lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray dajire Nicholas Kay.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay Shirweynihii Guud ee QM ka Dalbaday Beesha Calaamka inay Gacan ka Siiyaan Xukuumaddiisa sidii Dalka dib ugu dhismi lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya