4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Kismaayo oo lagu qabtay xafladda daahfurka Tv-ga dowladda iyo xuska lawareegiddii Kismaayo


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) —Ayadoo shalay ay ku beegneyd 3-guuradii kasoo wareegtay 2-da October oo ku asteeysan maalintii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si rasmi ah ula wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta goblka J/hoose ayaa waxa magaalada Kismaayo lagu qabtay xafladda loogu dabaaldegayay qabashadii Kismaayo iyo weliba daahfurka idaacad la iska arko ku hadli doonta afka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda ugu sareeysa ee Jubbaland, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland. Waxaa sidoo kale xafladda kasoo qeybgalay xubno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxdii kala duwanayd ee ka hadlay goobta ayaa ka taariikheeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Kismaayo, iyagoo sidoo kale ballan qaaday in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan deegaanada ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab ee gobollada Jubbaland.

Agaasimaha Idaacadda la iska arko ee  dowlad goboleedka Jubbaland C/naasir Cabdi Bashiir oo madasha hadal dheer ka jeediyay ayaa ka warbixiyay barnaamijta kala duwan ee ka bixi doona telefishinka, isagoo sheegay in tv-gu noqon doono mid ay iska dhex arkaan bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.