4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Wasiiraddii hore ee Shidaalka dalka Nigeria oo lagu Xiray Magaalada London ee Xarunta Britain


Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) —
Hay'adda Dambiyada Britain ayaa barteeda internet-ka ku sheegtay in baaritaan ay dhawaan ku sameysay Musuq-maasuqa Caalamka ay shan ruux ugu xirtay meelo kala duwan oo ku yaalla London, taasoo Qayb ka ah baaritaan lagu hayo dad looga shakisan yahay inay laaluush qaateen iyo dambiyo la xiriira lacago la saan-tiray.

Hay'adda ayaa sheegtay in dadka la xiray ay isugu jiraan saddex rag ah iyo laba dumar ah oo da'doodu u dhaxayso 30-jir - 60-jir. inkastoo aan la shaacin dallaka ay kasoo jeedaan.

Xubno ka tirsan Qoyska Wasiiraddii hore ee Khayraadka Shidaalka dalka Nigeria, Diezani Alison-Madueke ayaa xaqiijiyay in Wasiirradan hore lagu xiray Magaalada London ee Xarunta dalka Britain.

Alison-Madueke ayaa ahayd Wasiiraddii Khayraadka Batroolka ee Nigeria muddo shan sano ah, xilligii uu jiray maamulka madaxweynihii hore ee dalkaas, Goodluck Jonathan.

Dhawaan ayaa madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari Wuxuu Daboolka ka qaaday in Xukuumaddiisu ay billowday baaritaanno ay ku samaynayso ganacsiga Saliidda, si ay dib ugu soo ceshato wax uu ku tilmaamay balaayiin doolor oo laga xaday Nigeria.

Sidoo kale, Buhari ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay dhawaan billaabi doonto in ay dacwad kusoo oogto kuwo uu ku sheegay inay mas'uul ka yihiin xatooyada xoolaha Qaranka.

Uguu dambeyn, Alison-Madueke ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay markii uu guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Nayjeeriya, Sanusi Lamido ku eedeeyay in illaa 20-bilyan oo doollar oo kasoo xarootay Shidaalka dalka Nigeria ay maqan tahay oo aan la ogeyn meel ay ku baxday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online              
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya